Ramsdale Oo Kusii Jeeda Chelsea, Halbowlaha Ka Tegaya Man United, Musiala Oo Koox Doortay Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Newcastle United ayaa dib usoo cusboonaysiisay damaceedii ahaa in ay la saxeexato xiddiga khadka dhexe ee reerEngland ee Kalvin Phillips. 27 jirkan ayaa boos la’aan ku ah Man City, waxaanay Newcastle u aragtaa inuu yahay beddel fiican oo gelaya booska Sandro Tonali oo toban bilood laga ganaaxayo ciyaaraha. (The Sun)

Waxa kale oo ay Newcastle doonaysaa Scott McTominay oo ay u arkaan Tonali oo khibrad badan leh, Amadou Onana oo Everton ah iyo Joao Palhinha oo u ciyaara Fulham. (Athletic)

Chelsea waxay doonaysaa in ay la saxeexato goolhayaha reer England ee Aaron Ramsdale oo 25 jir ah, kaas oo booskiisii goolhayaha 1aad ee Emirates Stadium uu kala wareegay David Raya. (Mail)

Arsenal, Liverpool iyo Tottenham waxay xiisaynayaan garabka weerarka Athletic Bilbao iyo xulka Spain ee Nico Williams, kaas oo sidoo kale ay danaynayso Aston Villa. (90 min)

Xiddiga Bayern Munich ee Jamal Musiala oo 20 jir ah, waxa uu kaliya doonayaa in uu tago Manchester City ama Real Madrid haddii ay noqoto inuu ka tago Munich, sababtoo waxa uu doonayaa in uu ku guuleysto Champions League iyo Ballon d’Or oo uu u arko in kooxahani u suurtogelinayaa. (Sky Sports)

Manchester United waxay dib u dhigtay oo ay hakisay qorshe ay doonaysay in bisha January ay kula saxeexato difaac dhexe, waxaana u calaamadsanaa Gonaco Inacio oo Sporting Lisbon u dheela iyo Jean-Clair Todibo oo Nice ka tirsan. (Football Insider)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*