Waa Kuma Marc Guiu? 17 Jirkii Xalay Guusha Ku Hoggaamiyey Barcelona


Waxay u muuqanaysay ciyaar ku dhamaanaysa barbarro goolal la’aan ah oo ay ku qanacsan yihiin labada kooxood ee Barcelona iyo Athletic Bilbao, waxaana uu Xavi Hernandez go’aansaday in uu dadka baro Marc Guiu oo uu mashquuliyo ciyaartoyda Athletico dhamaadkii ciyaarta, laakiin qorshuhu sidaas ma noqon, waxaana uu Marc Guiu dhaliyey gool cajiib ahaa oo guul ku hoggaamiyey kooxdiisa.

Marc Guiu ayay u ahayd ciyaartiisii ugu horreysay ee uu u safto kooxda koowaad ee Barcelona, waxaana goolkiisa uu dhaliyey taabashadii ugu horreysay ama kubaddii ugu horreysay ee uu helay, waxaana u dheerayd in goolka uu saxeexay isaga oo garoonka ku jiray wax ka yar hal daqiiqo.

Marc Guiu waa 17 jir ka tirsan ciyaartoyda da’yarta Barcelona ee kulliyadda La Masia ee caanka ku ah inays oo saarto ciyaartoyda da’yarta ah ee adduunyada qabsata, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen Gavi, Alejandro Balde iyo Lamine Yamal oo hadda ah baalasha ay Barcelona ku duusho.

Inkasta oo ciyaartu ka dhacday garoonka Estadi Olimpic Lluis Companys oo uu Xavi iska aaminay inuu fursad siiyo da’yartiisa maadaama ay haysatay ciyaartooyo yaraan, haddana kubbad uu Joao Felix kasoo tuuray khadka dhexe ayaa lugta u gashay Marc Guiu oo 23 ilbidhiqsi oo kaliya ku jiray garoonka, una dhamaystiray si xarrago leh.

Layaabka goolka Giu waxa uu yimid iyadoo uu laacibkani uu gool usoo dhaliyey kooxda da’yarta Barcelona kulankii UEFA Youth League ee FC Porto ee laba usbuuc ka hor, iyadoo tartankaas uu laba gool ka dhaliyey toddoba kulan oo uu saftay.

Weeraryahankan oo ay da’yarta Barcelona u wada ciyaari jireen Lamin Yamal, ayaa waxa uu sidoo kale ka tirsan yahay xulka qaranka Spain ee ay da’doodu ka hoosayso 17-jirrada, waxana marka loo eego da’diisa ay dadku ku tilmaamaan inuu yahay weeraryahan hibo leh oo mustaqbalka hoggaamin doona Camp Nou.

Dhereerkiisa oo ah 6 fiit iyo 2 inji, ayaa ka caawiya inuu dhaliyo goolal madax ah, waana No.9 dabiici ah balse ka dheeli kara labada garab ee weerarka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*