Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa shaaciyey garsooraha ay u doorteen kulanka ugu weyn dalkaas ee El Clasico ee maalinta Santoda ee October 28, waxaana ciyaartan lagu aaminay ;khabiir garsoor oo taariikho kala duwan ku leh labada kooxood.
El Clasico oo lagu yaqaano ciyaar xamaasad iyo dagaal badan, ayaa waxa loo magacaabay in uu qabto Jose Maria Sanchez Martinez oo ahaa garsoorihii hayay finalkii Copa del Rey ee xilliciyaareedkii tegay.
Garsooraha loo doortay ciyaartan ayaa waxa uu hayay kulankii Las Palmas iyo Rayo Valecano, halka caawana uu qabanayo Valencia iyo Cadiz, halkaas oo ay labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona kasii qiimayn doonaan qaabka uu ugu diyaarsan yahay ciyaartooda.
José María Sánchez Martínez oo lagu tilmaamo garsooraha ugu wanaagsan Spain waqtigan, ayaa waxa uu laba jeer oo hore soo qabtay kulamo ay kooxahani ciyaareen xilli-ciyaareedkan, waxaana uu ahaa shaqsigii garoonka gudihiisa ka hagayey kulamadii Real Madrid vs Almeria iyo Barcelona vs Real Betis.
Rikoodhka kulamadii hore ee El Clasico ee soo qabtay José María Sánchez Martínez
José María Sánchez Martínez waxa uu garsoore kasoo noqday 30 ciyaarood oo ay dheeshay Barcelona oo ay guuleysatay 23 ka mid ah, 2 barbarro ay gashay iyo shan laga badiyey, halka Real Madrid uu garsoore uga soo nqoday 32 ciyaarood oo ay ka keentay 21 guulood, lix barbarro ah iyo shan khasaare ahaa.
Laakiin dhinaca kulamada El Clasico, waxa ay u noqonaysaa markiisii toddobaad ee uu u garsoorayo labadan naadi, waxaanay kala haystaan rikoodh isku mid ah.
Markii koowaad ee ciyaar El Clasico ah uu garsoore ka noqday waxay ahayd Spanish Super Cup 2017 oo ay Real Madrid 2-0 ku garaacday Barcelona oo kusoo booqatay Santiago Bernabeu. Saddexdii ciyaarood ee xigtay Barcelona ayaa guuleysatay, halka Real Madrid ay laba guulood oo kale heshay, isla markaana barbarro ay raacsadeen labada kooxood.
Be the first to comment