Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Manchester United Marka Uu La Wareego Graham Potter?


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay in loo magacaabi doono tababarihii ay eriday Chelsea ee Graham Potter, kaas oo beddeli doona Erik ten Hag marka la dhamaystiro iibka saamiyada naadiga ee Sir Jim Ratcliffe oo la filayo inuu la wareegi doono 25% mulkiyadda naadiga.

Macallinkan hore ee Brighton iyo Chelsea ayaa la fahamsan yahay, in uu dhabarka ku sitto Sir Jim Ratcliffe oo uu doonayo in naadiga loo dhiibo, isla markaana meesha laga saaro Erik ten Hag.

Haddii uu Ten Hag ka baxo shaqada oo uu la wareego Potter oo ay da’diisu tahay 48 jir, waxa loo dhiibi doonaa lacag uu kula saxeexdo ciyaartooyo cusub, waxaana ka mid ah Julio Enciso oo ah laacib si weyn usoo baxaya oo ay Red Devils doonayso in ay kasoo qaadato Brighton oo waqtigii uu isagu joogay ay qiime hooseeya kusoo iibsadeen.

Waxa uu Enciso ayaa uu qorshuhu yahay in loo diyaariyo khadka dhexe halka Pervis Estupinan ay isagana kasoo qaadan doonaan Seagulls oo ay difaaca bidix kaga beddeli doonaan Luke Shaw oo ay dhaawacyo diloodeen.

Ciyaartoyga saddexaad ee u calaamadsan Potter in uu la yimaaddo Manchester United waa garabka midig ee England iyo Chelsea ee Madueke oo bishii January uu isagu keenay Stamford Bridge.

Waatn shaxda Manchester United ee uu isticmaali doono Potter marka uu la wareego Man United

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*