“Sida Carruurta Ayaad U Ooyeysaa…” – Jose Mourinho Oo Casaan Qaatay Markii Uu Ku Maadsaday Tababare Kale


Tababaraha kooxda kubadda cagta AS Roma ee Jose Mourinho ayaa casaan lagaga saaray ciyaartii ay maanta kooxdiisu guusha ka gaadhay Monza, kaddib markii uu ku maadsaday tababare Raffaele Palladino oo uu ku tilmaamay canug-yar oo oohin badan.

Ciyaar xamaasad badnayd oo ak dhacday Stadio Olimpicio ayay AS Roma ku adkaatay 1-0,l iyadoo kooxda martida ahayd ee Monza uu qaybtii horeba casaan ka qaatay ciyaartoy oo ay toban laacib ku dheelaysay inta badan.

Mourinho ayaa ku gardarrooday ciyaartoyda kursiga kaydka fadhiyey iyo tababarahooda, iyadoo uu garsooraha dhexena arkayo, kuwaas oo inta uu hor istaagay uu ku yidhi: “In badan ayaad hadlaysaan, waxaanad u ooyaysaan sida canug yar.”

Sagaal daqiiqadood oo lagu daray ciyaarta ayaa uu Jose Mourinho ku qaatay casaan, halka taas oo ka dhigan in aanu qayb ka noqon doonin kulanka adag ee kooxdiisu waajihi doonto Inter Milan.

Hab-dhaqanka Jose Mourinho ayaa hadal-hayn badan ka abuuray waddanka Talyaaniga, waxaana xilli-ciyaareedkii hore casaan la siiyey saddex ciyaarood oo kala duwan, kulamadii naadigiisa Roma uu la dheelay Cremonese, Tonio iyo Atalanta. Waxa kale oo uu qaatay kaadhadh kala duwan oo digniin ah oo ay ku jirto ciyaartii guusha ay dhowaanta ka gaadheen Cagliari iyo casaankii ugu dambeeyey ee maanta.

Jose Mourinho oo la hadlay Sky Sports Italia ayaa la weydiiyey hadalka buuqa abuuray ee uu ku yidhi ciyaartoyda iyo tababaraha Monza, waxaana uu ku jawaabay: “Waxa aan bixiyey calaamad jidheedh, laakiin afka kama odhanin wax hadal oo gardarro ah.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*