Mikel Arteta Oo Daboolka Ka Qaaday LABA Qalad Oo Ay Ciyaartoydiisu Sameeyeen Kulankii Chelsea


Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Aryteta ayaa qirtay in ciyaartoydiisu ay sameeyeen laba qalad oo waaweyn kulankii Chelsea ay barbarraha 2-2 la galeen Sabtidii, taas oo gelisay halis ah in ay la kulmaan guul-darradoodii koowaad ee horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan.

Cole Palmer ayaa rikoodhe ka dhaliyey qaybtii hore, waxyar markii ay socotay qaybta labaadna waxa gool labaad ku daray Mykhailo Mudryk, taas oo keentay in Chelsea ay hoggaanka ciyaarta ku hayso 2-0 illaa laga soo gaadhayay daqiiqaddii 77aad, markaas oo Arsenal ay badbaadiyeen Declan Rice iyo Leandro Trossard oo min hal gool dhaliyey.

Arsenal ayaa ku rafaadday inay fursado abuurto inta badan ee ciyaarta, waxaana uu Mikel Arteta rumaysan yahay in ciyaartoyda kooxdiisu ay sameeyeen la ba qalad oo waaweyn oo sabab u noqon gaadhay in lagu dilo Stamford Bridge.

Ateta oo la weydiiyey sababta keentay in kooxdiisu ku rafaaddo Stamford Bridge oo ay waliba samayso bandhig aad uga hooseeya heerkii looga bartay ayaa waxa uu ku jawaabay: “Waxay ila tahay, in bilowgii horeba ay wax naga qaldameen. Si ku filan oo qorshe iyo hammi leh uma aanaan ciyaarin, sidoo kalena cadcaddaantii ayaa naga maqnaaday.

“Kubadda waxa aanu wareejinaynay annaga oo u muuqanayna in aanaan khatar badan ku haynin iyaga, taasina waa mid ku gelinaysa halis badan marka aad la ciyaarayso kooxo sida Chelsea oo kale ah.

“Kaddib kuma aanaan guuleysanin kubbadaha sare iyo meelaha yaryar bannaan ee noo ogolaanayay in aanu ka baxsano iyaga, waxaanay naga soo weerarayeen meel furan, waana arrin khatarteeda leh in la sameeyo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*