ISBARBAR-DHIG: Min Shanta Ciyaarood Ee Premier League Ee Kusoo Socda Arsenal, Liverpool, Tottenham Iyo Man City


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa toddobaadkan waji kale yeeshay, waxaana kuftay Arsenal oo kasoo degtay figta sare oo ay la wareegtay Manchester City oo sannadkii afraad oo xidhiidh ah raadinaysa in ay ku guuleysato horyaalka Premier League.

Inkasta oo ay Tottenham isku ballaadhin doonto horyaalka haddii ay guuleysato Isniinta, haddana Manchester City oo kaalinta koowaad soo gashay kulanka sagaalaad ee horyaalka ayaa ah wax aan la dhayalsan karaynin, waxaana durba ay su’aalo ka taagan yihiin naadiyada tirada yar ee awoodi karaya inay dhibco ka jaraan kooxda tababare Pep Guardiola.

Arsenal ayaa laba dhibcood ku lumisay safar ay ugu tagtay naadiga ay isku magaalada yihiin ee Chelsea oo ay barbarro waqti dambe ah ka toogtay, waxaana hadda farqiga goolasha ay kaga dambeeyaan Man City oo ahayd kooxdii ugu dambaysay ee ay garaaceen.

Liverpool ayaa iyaduna kusoo laabatay jidka guusha oo hal dhibic ka dambaysa Man City iyo Arsenal, waxaana aynu halkan ku eegaynaa isbarbar-dhigga kulamada shanta ah ee kusoo waajahan afarta kooxood ee hoggaanka u haya horyaalka Premier League.

Manchester City nasiib ayay leedahay haddii ay guulo gaadho shanta kulan ee kusoo socda ee horyaalka, waxaana caddaan doonta in aanay cidina qaban karaynin haddii ay 15kaas dhibcood meel dhigato, naadiyada kalena waxay ku qasbanaan doonaan in ay aqbalaan in sannadkii afraad oo xidhiidh ah uu Guardiola ku guuleysanayo horyaalka.

Sababta go’aankan loo qaadanayo waa in ay Citizens waajahayso afar kooxood oo waaweyn shanta kulan ee soo socda, waxaana Axadda soo socota ay foodda is-dari doonaan Manchester United oo ay waliba ku booqan doonto Old Trafford, ka hor inta aanay ku nasanin Bournemouth.

Pep Guardiola ayaa waxa kaddib ay kooxdiisu u tegi doontaa Chelsea inta aan la gelin fasaxa kulamada caalamiga ah ee bisha November, waxaana marka laga soo laabto ay waajihi doonaan Liverpool iyadoo ay ciyaartoydoodu dallan yihiin, haddana waxa ay iska hor iman doonaan Tottenham.

Saddexda kooxood ee kale waxa sugayo kulamo fudud marka loo eego Man City, tusaale ahaan kooxda ugu weyn ee ay Arsenal la ciyaari doonto waa Newcastle, halka Liverpool iyo Tottenham ay kulamadooda ugu adag yihiin Man City.

Waa kuwan min shanta ciyaarood ee kusoo foolka leh afarta kooxood ee ugu sarreeya Premier League

Shanta ciyaarood ee Manchester City

Manchester United (Marti) – Axad, October 29

AFC Bournemouth (Minan) – Sabti, November 4

Chelsea (Marti) – Axad, November 12

Liverpool (Minan) – Sabti, November 25

Tottenham (Minan) – Axad, December 3

Shanta ciyaarood ee Arsenal

Sheffield United (Minan) – October 28

Newcastle (Marti) – November 4

Burnley (Minan) – November 11

Brentford (Marti) – November 25

Wolves (Minan) – December 2

Shanta ciyaarood ee Tottenham

Fulham (Minan) – Isniin, October 23

Crystal Palace (Marti) – Friday, October 27

Chelsea (Minan) – Isniin, November 6

Wolves (Marti) – Sabti, November 11

Aston Villa (Minan) – Axad, November 26

Shanta ciyaarood ee Liverpool

Nottingham Forest (Minan) – Axad, October 29

Luton Town (Marti) – Axad, November 5

Brentford (Minan) – Axad, November 12

Man City (Marti) – Sabti, November 25

Fulham (Minan) – Axad, December 3

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*