Waa Maxay Falka Uu Sameeyey Carlo Ancelotti Ciyaartii Sevilla Ee Ka Cadhaysiiyey Florentino Perez?


Xilli-ciyaareedkan, Toni Kroos iyo Luka Modric ayaa xaalado kala duwan kaga jira kooxda Real Madrid, waxaana booskiisii lumiyey Modric oo u dhacay kursiga kaydka, waxaana labadoodaba laga doorbiday Aurelien Tchouaemni, Fede Valverde iyo Eduardo Camavinga.

Kroos iyo Modric ayaa tobankii sannadood ee u dambeeyey si joogto ah uga wada ciyaarayay khadka dhexe ee Real Madrid, iyaga oo lagu tilmaamayay xiddigaha ugu wanaagsan ee boosaskaas, waxaana cajiib ahaa is-fahamkooda gudaha garoonka iyo bannaanka intaba.

Si kastaba, illaa hadda way yar tahay inta la arkay labadooda oo kusoo wada bilaabanaya khadka dhexe oo garoonka isku soo gaadhaya, waxaana kaydka kusoo bilowda mid, halka marka uu kaasi soo gelayana la beddelo kii kale ee kusii jiray garoonka.

Sida uu qoray wargeyska Relevo ee kasoo baxa waddanka Spain, maamulka Real Madrid ayaa waxa ay ka cadhoodeen go’aamadii uu qaatay tababare Carlo Ancelotti ciyaartii Sevilla, waxaanay doonayeen in khadka dhexe ay kusoo wada bilowdaan Tchoauemni, Camavinga iyo Valverde oo ay rumaysnaayeen in ay tamar badan iyo firfircooni dheeraad ah samayn lahaayeen, laakiin Kroos ayaa uu kusoo bilaabay ciyaarta oo ka garab ciyaaray Tchoauemni iyo Valverde.

Boodhka maamulka Real Madrid ayaa u arka Tchouameni, Camavinga iyo Valverde in ay yihiin lama-taabtaan ay tahay inay si joogto ah ugu soo bilowdaan, laakiin Carlo Ancelotti ayaa kasoo horjeeda arrintaas doonaya in uu fursado fiican siiyo labada ruug-caddaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*