Xiddiga reer Brazil ee Casemiro ayaa ka shallaynaya in uu tegay Manchester United oo sannadkii 2022 uu ka guuray kooxdiisii hore ee Real Madrid oo isku dayaysay inay sii xajisato, waxaana sannad iyo badh kaddib uu rumaysan yahay inay qalad ahayd in uu tago Old Trafford.
Casemiro oo bandhig heersare ah ka sameeyey Manchester United xilli-ciyaareedkiisii koowaad ayaa si liidata ku bilowday xilli-ciyaareedkan, waxaana iskugu darsamay dhaawacyo, dhalliilo iyo cambaarayn uu kala kulmayo saxaafadda.
Bandhiggiisa garoomada ayaa ahaa kuwo aan joogto ahayn, waxaana sidoo kale u raacday in uu casaan qaatay ciyaartii Galatasaray oo uu ka maqnaanayo kulamada Champions League ee toddobaadkan, halka uu dhaawac ku seegay kulankii Sabtidii ee Sheffield United, iyadoo ciyaartii Brentford-na la beddelay waqtigii nasashada markii uu la yimid ciyaar liidatay.
Casemiro oo ku dhaawacmay ciyaartii xulka qarankiisa Brazil ay guul-darrada 2-0 ah kala kulmeen Uruguay, ayaa la sheegay in kooxdiisu aanay ku faraxsanayn Casemiro, halka kubbad-burburiyahani uu qoomamaynayo go’aankii uu ugu biiray kooxdaas.
Sida uu qoray wargeyska Nacional, Casemiro ayaa u sheegay saaxiibbadiisa in ay qalad ahayd in uu tago koox aan deggenayn oo dabbaal-joogtaynaysa, isla markaana gudaha garoomada iyo bannaankaba ku dhibaatoonaysa oo muddo dheer aan wax koob ah ku guuleysanin.
Wargeyska Nacional oo kasoo baxa magaalada Barcelona ee waddanka Spain, ayaa waxa uu sheegay in Manchester United ay dhinaceeda raadinayso ciyaartoy ay ku beddesho Casemiro, waxaanay calaamadsadeen Joao Neves oo la sheegay in Benfica ay ku qiimaysay £61 milyan oo Gini.
Be the first to comment