Top 25: Xiddigihii Ugu Fiicnaa Taariikhda Manchester United Oo La Shaaciyey


Manchester United waa kooxda ay soo mareen xiddigihii ugu fiicnaa taariikhda Ingiriiska, waxaana ku suntan inta badan ciyaartoydii ku guuleystay Koobka Adduunka ee kaliya ee uu dalkaasi ku guuleystay sannadkii 1966kii.

Jiilka lagu tilmaamo kacaanka kooxda ee ‘Class of 92’ ee sannadkii 1992kii uu Old Trafford iskugu keenay Sir Alex Ferguson ee seeska u dhigay guulaha 13ka horyaal ee Premier League ah, ayaa waxa ka horreeyey xiddigihii xulka Ingiriiska u qaaday Koobka Adduunka oo intooda badan kasoo dheelay Old Trafford.

Sir Bobby Charlton oo tusaale u ahaa ciyaartoyda Ingiriiska, laguna tilmaami jiray laacibkii ugu fiicnaa ee abid soo maray dalkaas ayaa shalay ay baroor-diiq u samaysay Manchester United maadaama uu ahaa halyeygeeda muddada dheer soo hoggaaminayay, isla markaana u saftay ku dhowaad 750 ciyaarood.

Wargeyska GMS ayaa soo xulay 25kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda Manchester United, waxaana kaalinta koowaad kusoo baxay Sir Bobby Charlton oo aan wali meydkiisa la aasin oo ay isku raacsan yihiin taageereyaasha kooxdu in booskaas uu yeesho.

Kaalinta labaad ayaa waxa soo glaay Ryan Giggs oo ah ciyaartoyga ugu safashada badan taariikhda kooxda iyo George Best oo ka mid ahaa xiddigihii xulka England u qaaday Koobka Adduunka 1966kii, Bryan Robson oo ku jiray jiilkaas iyo Roy Keane oo shanaad cidhiidhsaday.

Halkan kaga bogo 25ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda Manchester United

25. Ole Gunnar Solskjaer

24. Patrice Evra

23. Michael Carrick

22. David Beckham

21. Tommy Taylor

20. Roger Byrne

19. Norman Whiteside

18. Ruud van Nistelrooy

17. Mark Hughes

16. Nemanja Vidic

15. Dennis Law

14. Peter Schmeichel

13. Gary Neville

12. Duncan Edwards

11. Cristiano Ronaldo

10. Rio Ferdinand

9. Steve Bruce

8. Paul Scholes

7. Eric Cantona

6. Wayne Rooney

5. Roy Keane

4. Bryan Robson

3. George Best

2. Ryan Giggs

1. Sir Bobby Charlton

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*