Waa Maxay Sababta VAR Loogu Isticmaali Waayey Wareegga 3aad Ee Carabao Cup?


Wareegga saddexaad ee tartanka Caraboa Cup ayaa xalay iyo caawa la ciyaarayaa, laakiin waxa aanay garsooreyaashu haysanin fursad ay ku hubiyaan haddii ay sameeyaan qaladaad inta ay ciyaartu socoto.

Manchester United ayaa xalay guul weyn oo 3-0 ah ka gaadhay Crystal Palace, laakiin garsooruhu waxa uu taxadar ka samaynayay in uu qaladaad sameeyo, maadaama aanu haysanin VAR oo aan lagu isticmaalaynin wareega saddexaad ee tartanka Carabao Cup.

Kooxaha waaweyn ee Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Manchester City ayaa caawa la sugayaa natiijooyinka kulamadooda, waxaase wadnaha farta ku haya macallimiintooda oo ku ducaysanaya in aanay dhicin qaladaad dhinaca garsooraha ah maadaama aanay jirin VAR oo lagu sixi karayo.

Sababta VAR aan loogu isticmaalayn wareegga saddexaad ee Carabao Cup ayaa la isweydiinayay maalmihii ugu dambeeyey, iyadoo horena ay jamaahiirtu uga cabanayeen VAR oo qaladaad ay garsooreyaashu ku sameeyeen Premier League iyo EFL Cup intaba.

Sababta aan VAR loo isticmaalayn ayaa waxay tahay, in garoomada kooxaha yaryar aanay ku rakibnayn aaladaha iyo teknoolojiyadda casriga ah, sidaas daraadeedna dhamaan isku mid laga dhigay oo la joojiyey in lagu isticmaalo wareegga saddexaad.

VAR ayaa kaliya loo isticmaali doonaa wareegga semi-finalka Carabao Cup oo laba lugood ah iyo finalka oo ka dhici doona garoonka Wembley Stadium.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*