DEG-DEG: Reece James Oo Dhaawacii Uu U Jiifay Loogu Daray Ganaax


Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ganaax ku riday kabtanka kooxda Chelsea ee Reece James oo u jiifa dhaawac uu muddo ku maqnaanayo, kaas oo aan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee ay kooxdiisu dib u helayso.

Reece James ayaa lagu helay in uu aflagaaddooyin u geystay garsoore kulankii Aston Villa ee Axaddii ee ay guul-darradu kasoo gaadhay kooxdiisa, isaga oo waliba dhaawac ku maqan.

FA-ga ayaa hore u sheegay in ay baadhitaan ku samaynayaan Reece James oo u jiifa dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Liverpool ee bilowga horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedka.

Markii ay dhamaatay ciyaartii horyaalka Premier League ee Aston Villa ayaa waxa uu James ka hor tegay garsoore Jarred Gillet oo uu aflagaaddooyin ugu geystay gudaha Stamford Bridge, inkasta oo uu dhaawac ahaa oo aanu ciyaarayn.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa lagu sheegay, in Reece James uu jabiyey qodobka FA Rule E3 markii ay dhamaatay ciyaartii Aston Villa ee Axadda September 24.”

James ayaa loo qabtay illaa Jimcaha in uu kaga soo jawaabo dembiga loo haysto, ka hor inta aan la dhaqan-gelinin ganaaxa lagu ridayo.

James ayaa ay suurtogal tahay in uu waajaho ganaax laga saaro in uu u ciyaaro kooxdiisa marka uu kasoo laabto dhaawaca oo ay wararku sheegayaan in uu taam noqon karo dhamaadka bisha October.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*