Pep Guardiola Oo Doortay Beddelka Kevin De Bruyne iyo Kooxda Uu Ka Doonanayo


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa isku diyaarinaysa nolol aanu qayb ka ahayn Kevin de Bruyne oo muddo siddeed sannadood ah usoo ahaa tiir-dhexaad iyo hagaha khadka dhexe ee kubaddooda isla markaana ku suntanaa guulihii waaweynee ee ay gaadhay kooxdu.

De Bruyne oo sannadkii 2015 ay Manchester Ctiy kasoo iibsatay kooxda Wolfsburg oo iyaduna kala wareegtay Chelsea, ayaa waxa uu hadda u jiifaa dhaawac.

32 jirkan o osannadkii 2021 saxeexay qandaraas cusub oo Etihad Stadium ku haynaya illaa sannadka 2025 ayaa u muuqda in mustaqbalkiisa uu ka bixi doono kooxdaas iyo horyaalka Premier League intaba.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa waxay sheegtay, in Manchester City ay xagaaga isku dayi doonto inay la saxeexato xiddiga Bayern Munich ee Jamal Musiala oo kasoo baxay kulliyadaha Southampton iyo Chelsea, ka hor intii aanu tegin Bayern Munich oo uu kooxdeeda koowaad ka mid noqday June 2020.

130 ciyaarood oo uu Jamal Musiala u saftay kooxdiisa Bayern Munich ayaa waxa uu u dhaliyey 31 gool, waxaana bandhiggiisii ugu fiicnaa uu ahaa xilli-ciyaareedkii hore oo uu saxeexay 16 gool.

Laacibkan ayaa qiimihiisa lagu sheegay illaa £100 milyan oo Gini, balse Munich ayay adag tahay inay si fudud ku bixiso rukunkeedan adag oo ay u arkaan in uu yahay mustaqbalka Allianz Arena.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*