Liverpool vs Everton, Manchester City vs Brighton Iyo Kulamadii Waaweynaa Ee Premier League Ee Usbuucan Oo La Kansalayo


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa laga baqayaa in la baajiyo qaar ka mid ah ciyaaraha toddobaadkan, kaddib markii ay roobab mahiigaan ah ka da’een gobollada qaarkood, isla markaana daadad buuxiyeen garoomada iyo waddooyinka, kuwaas oo xaafadaha magaalooyinka qaarkood u beddelay biyo-xidheenno.

Maamulka Premier League wali ma aanay shaacin ciyaaraha la baajin doono, hase yeeshee waxa la sheegay in kulanka Nottingham Forest iyo Luton Town ay halis ku jirto oo ay adag tahay in la ciyaaro, iyadoo halkaas ay ka da’ayaan roobab waaweyn, cimilladuna tahay mid huur ah.

Forest oo qorshuhu yahay in ay martigeliso Luton, ayaa waxa magaaladu isku beddeshay biyo-xidheeno, waxaana guryaha xaafadaha qaarkood dadka lagaga soo gurayaa laash, sida ay muujinayaan sawirrada iyo muuqaallada ay warbaahinta Ingiriisku soo bandhigayso.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegay, in aan wali laga quusanin in ciyaartan la kansalo, balse ay ka tashanayaan maamulka Premier League iyo kooxahan.

Woqooyiga Galbeed, ayaa la saadaalinayaa in ay roobab waaweyn ku dhufan doonaan isla markaana sababi karayaan in ay baaqdaan kulamada adag ee la sugayo Sabtida ee Liverpool vs Everton, Manchester City vs Brighton, Newcastle vs Crystal Palace iyo Sheffield United vs Manchester United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*