“Qalliin Ayuu Gelayaa, Ma Garanayno Waqtiga Uu Soo Noqonayo…” – Jurgen Klopp Oo War Murugo Leh Ka Sheegay Dhaawaca Andy Robertson


Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey, in muddo aan la garanayn uu garoomada ka maqnaan doono difaaca bidix ee kooxdiisa ee Andy Robertson oo garabka wax kaga noqday ciyaartii xulka qarankiisa Scotland iyo Spain ee Khamiistii.

Andy Robertson ayay isku dhaceen goolhayaha Spain ee Unai Simon, waxaana kala baxay garabka oo la sheegay in muddo dheer uu u jiifi doono, iyadoo dhakhaatiirtu aanay wali caddaynin waqti go’an oo lagu xisaabtamayo soo laabashadiisa.

Warar hordhac ahaa oo soo baxay usbuucan horraantiisii ayaaqiyaasay in uu muddo bil ah ka maqnaan doono garoomada, hase yeeshee Jurgen Klopp oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladdu isbeddeshay oo qalliin lagu samayn doono laacibkan.

“Khubarada oo dhan waxay isku wada raaceen, in sida ugu wanaagsan ee uu ku bogsanayo ay tahay qalliin, waxaana uu maqnaan doonaa muddo dheer.” Ayuu yidhi Jurgen Klopp oo saxaafadda la hadlayay ka hor ciyaarta Sabtida ee Everton.

Waxa uu intaa ku daray: “Aniga khibraddayda, si degdeg ah oo qurux badan tababarka waad ugu soo noqon kartaa, laakiin marka laga eego dhinaca kubadda cagta waa in aad taxadar ka samayso dhamaan qabadaha iyo waxyaabaha dhici karaya.”

Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa waxay sheegtay, in qalliin uu galo Andy Robertson in ay ka dhigaan doonto in ugu yaraan uu garoomada ka maqnaan doono muddo saddex bilood ah, waxaana waqtigaas firaaqo ciyaareed heli doona Kostas Tsimikas oo dhowaan saxeexay heshiis waqti dheer ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*