Jude Bellingham Oo Daboolka Ka Qaaday Sirta Ka Dambaysa Qaab-ciyaareedka Cajiibka Ah Ee Uu Lasoo Baxay


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa daboolka ka qaaday sirta ka dambaysa bandhigga cajiibka ah ee uu garoomada ka samaynayo xilli-ciyaareedkan, waxaana uu rumaysan yahay in qayb libaax ay ku leeyihiin taageereyaasha oo uu xusay inay siiyeen tamar iyo dhiirigelin uu ku muujiyo xirfaddiisa.

Jude Bellingham oo Real Madrid ay xagaagii kaga soo iibsatay Borussia Dortmund lacag gaadhaysay 103 milyan oo Euro, ayaa Los Blancos u dhaliyey toban gool, toban ciyaarood oo uu u saftay, waxaana uu sumcad badan ku yeeshay dunida oo dhan, isagoo sidoo kalena noqday hoggaamiyaha cusub ee xulka qaranka England.

20 jirkan ayaa waxa uu ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa bishii September ee kooxdiisa Real Madrid ee Mahou Five Star Player Award.

Waraysi uu bixiyey ayaa lagu weydiiyey sirta ka dambaysa qaab-ciyaareedka uu lasoo baxay, waxaanu ku jawaabay: “Xidhiidhka aan la leeyahay taageereyaasha ayaa cajiib ah, waanan ku faraxsanahay in aan iyaga u ciyaaro.

“Waxa aan ku raaxaystaa heesaha ay ii qaadayaan taageereyaasha Real Madrid, iyo sida ay ii garab taagan yihiin, waxay isiiyeen tamar iyo xoog, waxaana laga yaabaa in ay sabab u tahay qaabka aan u ciyaarayo. Si dhab ah ayaan ugu mahad-celinayaa, waxaanan rajaynayaa in aan sii wadi doono in aanu wada samayno xasuuso wanaagsan oo wada-jir ah.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*