Premier League Oo Isbeddel Weyn Khatar Gelinaya Manchester United Ku Samaynaya Sharciga Horyaalka


Steve Parish ayaa daboolka ka qaaday in horyaalka Premier League uu soo saarayo, lana dhaqan=gelinayo sharci cusub oo xakamaynaya ushaharka guud ee ay bixin karayaan kooxaha horyaalku, iyadoo lagu sallayn doono dakhliga iyo kharashaadka, taas oo la filayo in uu khatar geliyo Manchester United.

20ka kooxood ee horyaalka Premeir League ayaa ka wada xaajoonaya qaababka ay hab-xisaabeedyada kooxahoodu usii noqon karayaan kuwo dheellitiran sannadaha soo socda, waxaana lagu dari doonaa qodobbo suurtogelinaya in la jaan-gooyo mushaharka waallida ah ee ay bixiyaan kooxaha qaniga ah, si la mid ah qaabka naadiyada waaweyn iyo kuwa yaryar si la mid ah qaabka kooxaha loogu qaybiyo lacagta baahinta telefishannada.

Chelsea iyo Manchester United oo lacago badan kharash gareeyey sannadihii ugu dambeeyey, isla markaana mushaharooyin aad u badan bixinaya iyadoo kooxahoodu aanay dheelitirayn hab-xisaabeedkooda, ayaa waxa la sheegay in sharcigani uu saamayn ku yeelan doono.

Premier League ayaa la filayaa in uu qaato oo uu dhaqan-geliyo sharciga cusub ee UEFA ee dhigaya, in kooxuhu ay ugu badnaan mushahar ku bixin karaan 70% miisaaniyaddooda, kaas oo hore uu Premier League ugu jaan-gooyey 85%.

Paris oo ka mid ah mulkiileyaasha kooxda horyaalka Premier League ee Crystal Palace ayaa dabada ka riixaya hirgelinta sharcigan oo uu rumaysan yahay in uu fursad u noqon karayo naadiyada yaryar oo heli karaya fursad ay kula tartamaan kooxaha waaweyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*