Jose Mourinho ayaa si lama filaan ah ugu noqon karaya kooxda reer Spain ee Real Madrid oo uu ka beddelayo Carlo Ancelotti xagaaga, markaas oo uu ruug-caddaaga Talyaanigu tegi doono xulka qaranka Brazil. (Mundo Deportivo)
Garabka weerarka Manchester United ee Jadon Sancho waxa lagu daray liiska ciyaartoyda ay kooxdu iibinayso bisha January, kaddib markii uu diiday inuu raalligeliyo tababare Erik ten Hag. 23 jirkan ayaan lagu soo darin ciyaartoyda United tan iyo kulankii Arsenal ee bishii hore, sidoo kalena waxa uu ka maqan yahay tababarka. (Guardian)
Borussia Dortmund iyo Juventus ayaa la xidhiidhay wakiillada Jadon Sancho oo mid walba ay doonaysaa in ay la saxeexato bisha January. (Standard)
Liverpool waxay qorshaynaysaa in ay u dhaqaaqdo saxeexda xiddiga Bayern Munich ee Jamal Musiala oo 20 jir ah, kaas oo la sheegay in aanu ku faraxsanayn sii joogista Allianz Arena. (Mirror)
Tababaraha Newcastle United ee Eddie Howe ma doonayo in uu noqdo tababaraha xulka qaranka England ee beddelaya Gareth Southgate, inkasta oo uu ku jiro liiska murashaxiinta. (Telegraph)
Sir Jim Ratcliffe ayaa la filayaa in bisha January ee sannadka cusub uu dhamaystiro iibsiga 25% kooxda Manchester United, si lacagtaas ay ugu isticmaalaan in ay saxeexyo cusub u adeegsadaan. (MEN)
Chelsea waxay dhaqan-gelisay qodob ku jiray heshiiska Ian Maasen oo dhigayay in qandaraaskiisa ay ku kordhin karto sannad kale, waxaana hadda uu laacibkani sii joogi doonaa Blues illaa June 2025. (Evening Standard)
Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta waxa uu meesha ka saaray in kooxdiisu ay la saxeexan doonto Lionel Messi bisha January. Hore ayuu iskugu dayay in uu xagaagii dib ugu soo celiyo Camp Nou, laakiin hadda qorshaha uguma jirto. (Fabrizio Romano)
Mancheste rUnited waxay heshiis cusub oo sannad ah u bandhigi doontaa difaacyahannada Aaron Wan-Bissaka iyo Victor Lindelof, sidoo kalena waxay heshiis cusub ka saxeexaysaa khadka dhexe ee Hannibal Mejbri. (MEN_
Be the first to comment