Barcelona Oo Lacag Iyo Ciyaartoy Ku Doonaysa Xiddigii Nafta U Keenay Ee Labada Dhibcood Ka Jaray


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa diyaarinaysa dalab iskugu jira lacag kaash ah iyo ciyaartoy oo ay ku doonayso weeraryahanka da’da yar ee bandhigga cajiibka ah ka samaynaya horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ee Bryan Zaragoza, kaas oo laba gool ka dhaliyey, birtana u garaacay ciyaartii ay Barcelona waqtiga dambe barbarraha ka tuugtay Granada.

Weeraryahankan da’da yar ayaa kasbaday kalsoonida tababaraha xulka qaranka Spain oo ugu yeedhay kulankii Khamiistii hore ee Soctland ee isreeb-reebka Euro 2024, taas oo noqotay ciyaartii ugu horreysay ee Bryan Zaragoza uu u safto xulka qaranka Spain ee LaLiga.

Bryan Zaragoza ayaa 12kii bilood ee ugu dambeeyey, waxa uu safka hore kaga jiray liiska ciyaartoyda ugu cadcad horyaalka LaLiga ee indhaha lagu hayay, waxaana la isku raacay in tayadiisu tahay mid dabiici ah oo ay ku ladhan tahay kalsooni, dhalinta goolasha iyo goysmada oo uu u leeyahay awood dabiici ah.

Xilli-ciyaareedkan socda ayuu dhaliyey shan gool, laba ka mid ahna waxa uu saxeexay ciyaartii ay Barcelona la galeen barbarraha 2-2 ah ka hor intii aan loo bixin ciyaaraha caalamiga ah.

Sida uu xaqiijiyey wargeyska Fichajes, masuuliyiinta Barcelona ayaa la dhacsan qaab-ciyaareedka Zaragoza, waxaanay go’aansadeen in xagaaga ay keenaan kooxdooda iyaga oo adeegsanaya ciyaartoy iyo lacag.

Barcelona ayaa waxay u bandhigi doontaa Granada in ay kala doorato Pablo Torre iyo Julian Araujo, sidoo kalena ay qaadato lacag, balse waxa ay tallaabadan qaadi doonaan haddii ay ay awoodi waayaan in ay heshiis rasmi ah la gaadhaan Joao Felix oo ay amaah kaga soo qaateen Atletico Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*