Sergio Reguilon Oo Shaxda Kooxdiisa Shan Geesoodka Ah Uga Dhaartay Xiddigaha Man United Iyo Magacyada Ciyaartoyda Uu Jeclaa Ee Old Trafford Soo Maray


Difaaca kooxda kubadda cagta Manchester United ee Sergio Reguilon ayaa soo xushay shaxda kooxdiisa shan geesoodka ah oo uu uga dhaartay ciyaartoyda kooxdiisa Man United oo aanu xataa hal ciyaartoy kaga soo darin, halka uu kasoo dhax-muuqdo laacib ka tirsan Manchester United.

Sergio Reguilon oo xagaagii ay Manchester United kaga soo qaadatay Tottenham amaah sannad ah, ayaa waxa uu sameeyey bandhig fiican saddexdii ciyaarood ee ugu horreeyey ee uu ugu soo bilowday United, ka hor intii aanu soo gaadhin dhaawac uu ku seegay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Inkasta oo uu hadda dib ugu soo laabtay tababarka oo la filayo inuu qayb ka noqdo ciyaarta Sabtida ee Sheffield United, haddana waxa Man United wali kasii maqnaanaya labada laacib ee booska uu ka dhaxlay ee Luke Shaw iyo Tyrell Malacia oo muddo kale sii maqnaan doona, taas oo ka dhigan in Reguilon oo sii ahaan doono dookha koowaad ee Ten Hag.

Luke Shaw ayaa la sheegay in uu soo dhow yahay oo bisha dambe ee November uu kusoo laaban karayo garoomada, hase yeeshee Tyrell Malacia oo lagu sameeyey qalliin ayaa waxa uu maqnaanayaa illaa sannadka cusub ee 2024.

Si kastaba ha ahaatee, Sergio Reguilon oo ay da’diisu tahay 26 jir, ayaa waxa su’aalo laga weydiiyey baraha bulshada uu kusoo xushay shaxda kooxdiisa shan geesoodka ah, dhammaantoodna waa ciyaartooyo kasoo jeeda waddanka Spain.

Laacibkan hore ee Real Madrid oo ka jawaabayay su’aal ahayd, waa kuwee xiddigaha kasoo muuqanaya shaxdaada shan-geesoodka ah ayaa meel u waayey David de Gea, Juan Mata, Andre Herrera iyo Gerard Pique oo ah ciyaartoyda reer Spain ee usoo dheelay Man United.

Taas beddelkeeda, waxa uu soo xushay Sergio Ramos oo ay hore ugu soo wada ciyaareen Real Madrid, Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta oo Barcelona u ciyaari jiray, David Villa oo uu xusay waqtigiisii Valencia, inkasta oo waqti fiican uu kusoo qaatay Barcelona iyo David Silva oo Manchester City uu kusoo qaatay waqtigii uu wacdaraha ka dhigayay.

Mar la weydiiyey ciyaartoydii uu ugu jeclaa Manchester United ayaa waxa uu ku jawaabay: “Way badan yihiin. Waxa aan jeclaa Ryan Giggs iyo Cristiano Ronaldo.

“Sidoo kale, waxa aan jeclaa difaaca Rio Fernandinand iyo Gary Neville, waxa kale oo aan xasuuso wanaagsan ka hayaa Wayne Rooney.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*