Sucuudiga Oo Magdhow Ka Dalbaday FIFA Kaddib Dhaawacii Neymar Jr


Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa laga doonayaa lacag magdhow ah oo gaadhaysa £6.5 milyan oo Gini kaddib dhaawac halis ah oo soo gaadhay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr oo qalliin lagaga samayn doono jilibka, isla markaana garoomada ka maqnaan doona inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda.

Kooxda kubadda cagta Al-Hilal ayaa xaqiijisay in Neymar uu dhaawacu ka gaadhay jilibka oo ay qasab tahay in lagu sameeyo qalliin sababi doona in aanu mar dambe u ciyaarin inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda, waxaanay kooxdan reer Sucuudi doonaysaa in FIFA ay siiso magdhow.

Laacibkan oo garoonka laga dhax-qaaday ciyaartii Brazil ay guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Uruguay ku garaacday 2-0 Salaasadii, ayaa waxa uu kooxdiisa Al-Hilal mushahar uga qaataa toddobaadkii lacag lagu sheegay £2.5 milyan oo Gini.

Sida uu dhigayo sharcigu, FIFA ayaa bixinaysa mushaharka ciyaartoyga ku dhaawacma ciyaaraha caalamiga ah inta u dhaxaysa 28 maalmood illaa sannad, laakiin waa in lacagta ay bixinayso aanay ka badnaanin £6.5 milyan oo Gini.

Si kastaba ha ahaatee, Neymar oo heshiis laba sannadood ah oo uu u saxeexay Al-Hilal ku qaadanaya mushahar dhan £314 milyan oo Gini, ayaa muddo dheer maqnaanaya, waxaana ay taasi khasaare weyn ku tahay kooxda Sucuudiga oo lacag sidaa u badan siin doonta ciyaartoy dhaawac u jiifa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*