DHAMAAD!! Jadon Sancho Oo Xalay Loo Xaqiijiyey In Uu Soo Dhamaaday Cimrigiisa Manchester United


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shalay qaadday tallaabo soo afjartay cimriga Jadon Sancho ee Old Trafford, taas oo muujisay in aanu mar dambe u ciyaari doonin inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan bilowga ah, sidoo kalena ay kooxdu ku riixi doonto inuu albaabka ka baxo.

Jadon Sancho ayaan u ciyaarin Manchester United tan iyo dabayaaqada bishii August, waqtigaas oo ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag ka hor ciyaartii Arsenal ee ay guul-darrada lasoo kulmeen.

Laacibkan ayay hadda muuqataa in ay uga dhamaatay naadiga, waxaana laga saaray oo aan lagus oo darin sawirka guud ee ciyaartoyda Manchester United ee xilli-ciyaareedka 2023/24 oo ay dhamaan kasoo muuqdaan ciyaartoyda kooxda, taas oo loo turjumay in ay ka dhigan tahay dhamaadkiisii Old Trafford.

Garoonka tababarka Carrington ayaa la iskugu keenay ciyaartoyda kooxda oo dhamaystiran oo ay xataa ku jiraan kuwa kaydka iyo dhaawacyadu, waxaana kaliya ciyaartoyga ka maqnaa uu ahaa Jadon Sancho oo baraha bulshada ku aflagaaddeeyey Erik ten Hag.

Bisha Janaury ayaa la filayaa in uu Jadon Sancho ka tago Manchester United, waxaana si weyn loola xidhiidhinayaa kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund oo sannadkii 2021 ay Man United kaga soo iibsatay £73 milyan oo Gini.

Manchester United ayuu u ciyaaray 82 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 82 gool iyo lix kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana qandaraaskiisa hadda ka hadhay laba sannadood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*