Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha BBC Sports Ee Chris Sutton Ee Toddobaadkan – Muxuu Ka Yidhi Chelsea vs Everton & Liverpool vs Everton?


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa dib usoo noqonaya kaddib toddobaad lagu maqnaa ciyaaraha caalamiga ah, waxaana lagu furi doonaa kulan adag oo derby ah oo xilliga qadada ee maalinta Sabtida ay foodda isku-dari doonaan kooxaha isku magaalada ah ee Liverpool iyo Everton.

Tababaraha Everton ee Sean Dyche oo guul caan noqotay kasoo gaadhay Liverpool oo uu ku booqday garoonkeeda Anfield markii uu tababaraha u ahaa Burnley sannadkii 2021, ayaa hadda booqan doona isaga oo hoggaaminaya Everton, waxaana la isweydiinayaa natiijada uu kala soo laaban doono.

Khabiirka ciyaaraha BBC Sports ee Chris Sutton ayaa rajo la’aan kasii dhigay Toffees, waxaana uu u sheegay in saddex dhibcood iyo laba gool lagaga qaadan doono Anfield oo ay Liverpool dabbaal-deg weyn ku samayn doonto garoonkeeda, taas oo ka caawin doonta in ay hoggaanka la qabtaan Arsenal iyo Tottenham.

Ciyaaraha horyaalka Premier League oo intooda badan la dheelayo maalinta Sabtida maadaama usbuucan ay jiraan kulamada saddexaad ee wareegga group-yada Champions League, waxaana sidoo kale ballansan kooxaha London Derby ee Chelsea iyo Arsenal, kuwaas oo uu Chris Sutton saddexda dhibcood siiyey Gunners.

Manchester United ayaa guul weyn heli doonta marka ay booqasho Sheffield United, sidoo kalena Manchester City iyo Tottenham ayaa xasuuqyo geystan doona.

Halkan kaga bogo saadaasha Chris Sutton ee kulamada usbuuca sagaalaad ee Premier League

Sabti

Liverpool 2-0 Evwerton

Bourenmouth 0-1 Wolves

Brentford 2-1 Burnley

Man City 6-2 Brighton

Newcastle 2-0 Crystal Palace

Nottingham Forest 2-1 Luton Town

Chelsea 0-1 Arsenal

Axadda

Aston Villa 2-1 West Ham

Isniin

Tottenham 3-1 Fulham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*