Kooxda kubadda cagta Manchester United waxa kusii kordhaya liiska xiddigaha ka dhaawacmaya, waxaana hadda ku biiray laacibka reer Brazil ee Casemiro oo seegi doona kulanka horyaalka Premier League ee Sheffield United ee toddobaadkan, kaddib markii uu kusoo dhaawacmay xulka qarankiisa Brazil.
Casemiro ayaa laga saaray ciyaartii uu xulka qarankiisa Brazil barbarraha 1-1 la galay Venezuela oo uu ka baxay daqiiqaddii 79aad, hase yeeshee tababare Diniz ayaa sheegay in ay kaliya jug soo gaadhay, isaga oo kusoo bilaabay ciyaartii Uruguay ee Salaasadii oo la xaqiijiyey in uu mar kale dhaawac kasoo gaadhay.
Isniintii oo kaliya ayaa uu tababarka qaatay Casemiro ka hor intii aan lagu soo bilaabin ciyaartii dagaalka ahayd ee Uruguay, waxaana uu Khamiistii maanta kusoo laabtay England isaga oo ka cabanaya kuraanta oo ka dareemaya dhaawac.
31 jirkan ayaa la sheegay in uu toddobaadka dambe tababarka kusoo noqon doono, balse uu ka maqnaan doono ciyaarta Sheffield United, halka uu ganaax kaga maqnaanayo ciyaarta Champions League ee FC Copenhagen maadaama uu casaan qaatay kulankii Galatasaray ay Man United ku garaacday Old Trafford.
Warka wanaagsan ee Manchester United ay heshay ayaa ah in uu tababarka kusoo laabtay Sofyan Amrabat oo kusoo dhaawacmay xulka qarankiisa Morocco iyo difaaca bidix ee reer Spain ee Sergio Reguilon oo kasoo kabtay dhaawac uu dhawr kulan ku maqnaa.
Waxa kale oo taam u ah ciyaarta Sheffield United ee Sabtida weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo ay jugo kasoo gaadheen ciyaarihii caalamiga ahaa.
Be the first to comment