Ciyaartoyda Barcelona Oo Codka Diidmada Qayaxan Ku Hor Joogsaday SADDEX Saxeex Oo Ay Kooxdoodu Doonaysay


Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa iska diiday in ay kooxdoodu la saxeexato saddex ciyaartoy oo ay diiraddu u saarnayd, kuwaas oo uu tababare Xavi Hernandez doonayay in uu ku xoojiyo safkiisa.

Bishii January ee horraantii sannadkan, Barcelona ayaa suuqa u gashay in ay la saxeexato ciyaartooyo cusub maadaama ay horyaalka hoggaanka u hayeen oo ay doonayeen in ay ku guuleystaan xilli ay xaalad adag oo dhaqaale haysatay.

Memphis Depay oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Atletico Madrid ayaa dib ugu furtay albaabka kooxda Catalonia, laakiin dhamaadkii ma jirin wax ciyaartoy cusub ah oo kusoo kordhay naadiga, waxayse awoodeen in ay ku guuleystaan horyaalka.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Barcelona ayaa doonaysay in ay la saxeexato difaac midig iyo khad dhexe, waxaana miiska saarnaa magacyada Benjain Pavard iyo Arthur Melo oo ay Liverpool amaah kaga qaadatay Juventus, horena ugu soo ciyaaray kooxdooda oo ahayd naadigii ka keentay waddanka Brazil.

Ousmane Dembele ayaa u tegay tababare Xavi Hernandez oo u sheegay, in haddii uu Pavard yimaaddo kooxda in uu dhibaato ka abuuri doono qolka labbiska, waxaana taageeray ciyaartoyda kale ee naadiga. Waxa kale oo tababare Xavi u badheedhay Sergio Busquets oo isaguna kasoo horjeedsaday in kooxda dib loogu soo celiyo Arthur Melo oo xagaagii 2020 ay ka iibiyeen Juventus, waxaana uu Busquets rumaysnaa in halkii amaah lagu soo qaadan lahaa ciyaartoy hore ugu fashilmay kooxda oo la iibiyey, in ay ka habboon tahay in da’yarta fursad la siiyo.

Barcelona ayaa qiimaysay soo-jeedinta Ousmane Dembele iyo Sergio Busquets, waxaanay qaadatay taladoodii, iyadoo kooxduna ku guuleysatay horyaalka LaLiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*