Ruug-caddaaga reer Brazil ee difaaca uga ciyaara Chelsea ee Thiago Silva ayaa iska fogeeyey wararka sheegaya in uu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulka qarankiisa, kaddib markii laga saaray liiska oo aan lagu soo darin tan iyo sannadkii hore.
Thiago Silva ayay ugu dambaysay inuu xulkiisa u ciyaaro Koobkii Adduunka ee 2022, waxaana intii ka dambaysay oo uu xulka la wareegay tababare Fernando Diniz laga saaray xulka, iyadoo laga doorbiday ciyaartooyo kale.
39 jirkan oo si joogto ah ugu soo bilaabanayay kulamada kooxdiisa Chelsea ayaa uu qorshihiisu yahay in uu dalkiisa u ciyaaro illaa tartanka qaramada Latin America, inkasta oo aanu kasoo muuqanin ciyaarihii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee labadii bilood ee ugu dambeeyey.
Saxaafadda ayaa waxa ay isla dhax-maraysay in Thiago Silva uu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, sidaasna uu Diniz uga reebay liiskiisa kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee bilihii September iyo October, balse waraysi uu Silva siiyey telefishanka ESPN, ayuu ku yidhi: “Anigu wax go’aan ah ma aanan gaadhin, kamana fadhiisan ciyaaraha caalamiga ah. Waa in aan taas aad u caddeeyo.
“Aniga ma aha go’aankayga [in laga reebo liiska xulka], anigu diyaar ayaan ahay mar walba oo la iigu yeedho xulka qaranka Brazil. Xidhiidhka kubadda cagtu waxba iima sheegin aniga, la iigumana yeedhin kulamadii u dambeeyey, laakiin waxa aan rajaynayaa in aan awoodi doono in aan caawiyo xulkayga, waanan hubaa in aan sida ugu wanaagsan u samayn doono si aan u caawiyo.”
Be the first to comment