Kylian Mbappe Oo Lumiyey Sharaftii Uu Ku Lahaa PSG Iyo Xiddiga Ay Jamaahiirta Kooxdu Caleemo-saareen


Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa lumiyey kalsoonida taageereyaasha kooxdiisa, waxaana la joojiyey iibsiga garamada magaciisa iyo lambarkiisu ku qoran yihiin, iyadoo jamaahiirta kooxdu ay uga wareegeen laacib kale oo lama filaan ah.

Paris Saint-Germain ayaa isku dayaysa inay ku qanciso Mbappe in uu heshiis cusub saxeexo, maadaama qandaraaskiisa hadda uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda oo uu xor ka noqonayo naadiga bisha June haddii aan inta ka horreysa lagu qancin inuu qandaraaska kordhiyo.

24 jirkan oo sannad ka hor ay PSG dedaal badan u gashay in ay ka joojiso Real Madrid waqti uu qandaraaskiisu dhamaaday ayaa ka ogolaaday oo u saxeexay laba sannadood oo ku eg bisha June ama dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana muuqata in xaaladdu ay ka adag tahay sidii hore.

Kaddib bixitaankii Lionel Messi iyo Neymar Jr ee xagaagii, Paris Saint-Germain ayaa filaysay in Kylian Mbappe uu noqon doono ciyaartoyga dharkiisa la iibsan doono ee kooxdu ay ka samayn doonto dhaqaalaha, hase yeeshee taasi ma aanay dhicin.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe, labadii sannadood ee Lionel Messi uu joogay Parc des Princes, waxa uu sabab u noqday in 20 milyan oo qof ay kusoo kordhaan barta Instagram-ka ee kooxda, halka markii uu ka tegay xagaagiina ay tirada dadka ku xidhan barta Instagram-ka ee PSG ay hoos u dhaceen 10 milyan illaa 15 milyan oo qof.

Waxa kale oo ay kooxdu lumisay xayaysiisto uu xiddiga reer Argentina sabab u ahaa, halka iibkii dharka ee kooxda ee ay sare u qaadeen Messi iyo Neymar ay iyaguna dhulka galeen.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee reer France ee Abdellah Boulma, Kylian Mbappe oo la filayay in uu noqdo ciyaartoyga kooxda ee dharkiisa loogu iibsiga badnaan doono kaddib bixitaankii Messi iyo Neymar, ayaa waxa ka sarreeya ciyaartoy kale oo lama filaan ah.

Saxeexii cusbaa ee xagaagii ay Paris Saint-Germain lasoo wareegtay ee Lee Kang-in oo u dhashay waddanka South Korea ayaa noqday ciayartoyga loogu iibsiga badan yahay dharkiisa, taas oo ka dhigan in Mbappe aanu lahayn saamayntiisii kooxda oo ay jamaahiirtu kasii qancayaan hadda.

Lee ayaa Paris Saint-Germain ay xagaagii kasoo iibsatay Rea Mallorca, waxaanay kasoo bixiyeen kaliya £19 milyan oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*