Xiddigii Muddada Dheer Ay Raadinaysay Liverpool Oo Suuqa Lasoo Dhigayo Bisha January


Xiddigii ay kooxda kubadda cagta Liverpool muddada raadinaysay ee Youssoufa Moukoko ayaa si fudud lagu heli karayaa bisha January, kaddib markii ay kooxdiisu si aan habboonayn ula dhaqantay isla markaana hoos u dhigtay kalsoonida ay ku qabto.

Youssoufa Moukoko oo ay da’diisu tahay 18 jir oo uu Jurgen Klopp u arkayay xiddiga mustaqbalka ee uu uga baahan yahay Anfield, ayaa waxa uu fagaareyaasha soo galay xilli-ciyaareedkii 2020/21, waqtigaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan da’yarta.

Iyadoo ay da’diisu ahayd 16 sannadood iyo hal maalin oo kaliya ayaa waxa uu soo galay ciyaar ay kooxdiisa Borussia Dortmund ka hor tagtay Hertha BSC, waxaana lagu beddelay Erling Haaland, halkaas ayay kasoo bilaabantay xirfaddiisa sida degdegga ah u kacaantay balse hantaaqadu dib ka gaadhay.

Moukoko oo xilli-ciyaareedkii hore ku tartamay abaal-marinta gool-dhalinta horyaalka Bundesliga ee kooxdiisa, ayaa waxa kaydka dhigay tababare Eden Terzic oo illaa hadda aan xataa hal kulan kusoo bilaabin, balse afar ciyaarood oo kaliya ku keenay beddel.

Sida ay warbaahinta waddanka Germany sheegayso, wakiilka Youssoufa Moukoko ayaa la kulmaya Borussia Dortmund, waxaana uu ku cadaadinayaa in loo ogolaado in bisha January la iibiyo, si uu u tago koox kale oo uu fursad ugu helo in uu xulka Germany u ciyaaro tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024.

Liverpool ayaa la sheegay in ay durba ka hawlgelayso sidii ay Borussia Dortmund ugala xaajoon lahayd saxeexa Moukoko oo sidoo kalena ay danaynayaan kooxaha horyaalka Premier League ee Brentford iyo Wolves, balse waxa mudnaanta ay Dortmund siinaysaa in ay amaah ku dirto halkii ay bisha January ka iibin lahayd.

Moukoko oo 78 ciyaarood oo uu Borussia Dortmund u saftay u dhaliyey 14 gool, ayaa waxa uu xulka Germany u saftay laba ciyaarood balse waxa uu rajaynayaa in uu kala qayb-galo tartanka Euro 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*