RASMI: UEFA Oo Go’aamisay Natiijada Ciyaartii Lagu Kala Yaacay Ee Belgium vs Sweden


Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey in aan la dhamaystiri doonin, amaba lagu celin doonin ciyaartii xulalka Belgium iyo Sweden ee horraantii toddobaadkan ee lagu kala yaacay markii magaalada Brussels lagu toogtay laba ka mid ah taageereyaasha xulka Sweden.

Isniintii ayaa waxa murugo isku beddelay garoonka iyadoo ay socoto ciyaartii Belgium iyo Sweden, waxaana markii loo baxay waqtiga nasashada iska diiday in ay dib ugu soo laabtaan garoonka ciyaartoyda xulka Sweden.

Qof lagu eedeeyey inuu yahay argagixiso ayaa laba qof oo reer Sweden ah ku toogtay meel saddex mayl oo kaliya u jirtay garoonka, waxyar ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin, taas ayaana keentay in la joojiyo ciyaarta oo maraysay 1-1.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ayaa laga sugayay in uu go’aan kasoo saaro ciyaartan oo ka tirsanayd isreeb-reebka tartanka Euro 2024, waxaana hadda la shaaciyey in natiijadii lagu kala baxay waqtigii nasashada loo qaatay midda rasmia ah ee ay ciyaartu kusoo dhamaatay, sidaa daraadeedna aan la ciyaari doonin waqtigii ka hadhsanaa.

Xulka qaranka Belgium ayaa waqti horeba soo gudbay oo kaalinta koowaad kaga soo baxay Group-ka F, halka Austria ay kaalinta labaad kusoo baxday, iyadoo ay Sweden waqti hordba ka hadhay tartanka Euro 2024.

Si kastaba ha ahaatee, xidhiidhka kubadda cagta Yurub waxa uu go’aamiyey in natiijada ciyaartu ay noqoto intii lagu kala tegay waqtigii nasashada oo ahayd 1-1, sidaana ay ciyaartu ku noqoto barbarro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*