Saxeexa Ay Isku Haystaan Klopp & Guardiola, Xiddiga Arsenal Ee Kusii Jeeda Munich Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta Oo Khamiis Ah


Karim Benzema ayaa ka fikiraya in uu dacwad rasmi ah ka gudbiyo wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska oo lagu amgacaabo Gerald Darmanin oo Salaasadii waraysi uu bixiyey ku eedeeyey in uu yahay argagixiso xidhiidh la leh ururka Ikhwaanul Muslimiin ee waddanka Masar, kaas oo dalal badan oo adduunyada ah ay u aqoonsadeen inuu yahay urur argagixiso.

Karim Benzema oo dhibbane u noqday faquuq ay ku sameeyaan siyaasiyiinta mayalka adag ee Faransiiska oo ku beegsanaya in uu yahay ciyaartoy Muslim ah oo kasoo jeeda Algeria, ayaa waxay hadda ku qaadeen weerar markii uu ka hadlay xasuuqa ay Yuhuuddu ku hayso shacabka Falasiin.

Sida uu qoray wargeyska Le Parisien, xiddiga hore ee Real Madrid ayaa waxa uu ka fiirsanayaa dacwad uu ka gudbinayo wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska oo lagu amgacaabo Gerald Darmanin oo ah nin aan garsanin difaaca Yuhuudda iyo nacaybka uu u qabo Muslimiinta.

Hore waxa uu Benzema u dacweeyey labada xildhibaan ee cunsuriyiinta ah ee Nadine Morano iyo Frank Tapiro oo fagaareyaal ka sheegay in Benzema uu qaybta faafinta dacaayadaha u qaabbilsan yahay kooxda ‘Xamaas’, isaga oo kaliya ku haysta in uu ka hadaly xasuuqa Yuhuuddu ku hayso carruurta iyo hooyooyinka Falastiin.

Benzema ayaa ka hadkaysan waayey duqaymaha ay Yuhuuddu ku hayso Qasan oo cusbitaal halkaas ku yaalla ay gantaallo la dhaceen toddobaadkan, kuna dileen ku dhowaad 1,000 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*