Xiddiga Ay Isku Haystaan Arsenal & Chelsea, Cucurella Oo Kusii Jeeda Man United Iyo Wararka Suuqa Maanta Oo Arbaco Ah


Agaasimaha ciyaaraha Arsenal ee Edu ayaa wada-hadallo la yeeshay wakiilka weeraryahanka Aston Villa ee Ollie Watkins oo uu doonayo in uu keeno Emirates Stadium. 27 jirkan ayaa waxa kale oo doonaysa Chelsea. (Football Transfers)

Arsenal iyo Chelsea waxay doonayaan in ay ciyaartooyo iyo lacag u bandhigaan Brentford oo ay ka doonayaan Ivan Toney. 27 jirkan ayay doonayaan labada kooxoodba, waxayse Brentford ku qiimaynaysaa £75 milyan oo Gini. (90 MIN)

Difaaca reer Spain ee Marc Cucurella oo 25 jir ah, ayaa u sheegay Chelsea in uu doonayo inuu iska tago bisha January ee foodda innagu soo haysa, waxaana lala xidhiidhinayaa Manchester United. (Mirror)

Newcastle waxay wada-hadallo heshiis kordhin ah la furaysaa xiddigeeda khadka dhexe ee Joelinton oo ah 27 jir reer Brazil ah iyo waliba kubbad-sameeyaha kale ee Sean Longstaff oo isaguna 25 jir ah. Qandaraasyadooda hadda ayaa soconaya illaa June 2025. (Football Insider)

Everton ayaa rajaynaysa in 21 jirkeeda Jarrod Brandthwaite uu heshiis cusub u saxeexo. (The Athletic)

Barcelona waxay ka fiirsanaysaa in ay u dhaqaaqdo saxeexa xiddiga reer Nigeria ee Wilfred Ndidi oo 26 jir ah, marka uu dhamaado qandaraaskiisa Leicester City dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Sport)

Napoli waxay isku dayaysaa in ay la xidhiidho Christophe Galtier kaddib markii uu si aad u liidata xilli-ciyaareedka kula bilowday Rudi Garcia. (RMC)

Bilyaneerka reer Britain ee Sir Jim Ratcliffe waxa uu mar kale isku dayi doonaa inuu iibsado Manchester United, isaga oo dejiyey qorshe qancin karaya qoyska reer Glazer. (Mirror)

Barcelona waxay heshiis hordhac ah la gaadhay Manchester City oo ay ka doonayso in si rasmi ah ay ugala wareegto difaaca midig ee reer Portugal ee Joao Cancelo oo hadda amaah ugu ciyaara. Qiimihiisa ayay labada kooxood isla meel dhigeen in uu noqdo £30.4 milyan oo Gini.

Weeraryahanka reer Slovenia ee Benjamin Sesko oo 20 jir ah, ayaa waxa uu sheegay in uu iska diiday in uu tago Manchester United oo uu xusay in aanay ku habboonayn qaab ciyaareedkiisa. Waxa uu ka doortay RB Leipzig oo uu tilmaamay inay kordhinayso xirfaddiisa. (Transfermarkt)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*