DEG-DEG: Roberto de Zerbi Oo Loo Magacaabayo Tababaraha Real Madrid


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa tababaraheeda cusub ee beddelaya Carlo Ancelotti u magacaabaysa Roberto De Zerbi oo ah tababaraha kooxda horyaalka Premier League ee Brighton & Hove Albion, halkaas oo muddo kooban oo uu joogay uu kusoo bandhigay aqoontiisa iyo kartidiisa tababarenimo oo dad badan soo jiidatay.

Real Madrid ayaa la sheegay in ay raadinayso tababarihii ay ku beddeli lahayd Carlo Ancelotti oo shandaddiisu xidh-xidhan tahay, ugu badnaanna sii joogi kara inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan, waaba haddii uu ka badbaado in la caydhiyo.

Guul-darradii ay Atletico Madrid u xambaarisay Axaddii ayaa keentay in canaan badan loo jeediyo tababare Carlo Ancelotti, isla markaana uu Florentino Perez suuqa u galo sidii uu u heli lahaa beddel karti leh oo kooxda hoggaamiya.

Sababta ugu weyn ee Real Madrid ay u raadinayso beddelka Carlo Ancelotti ayaa ah in uu heshiis la gaadhay xulka qaranka Brazil oo loo magacaabayo tababaraha xulka dalkaas sannadka 2024.

Idaacadda Cadena SER ee saldhiggeedu yahay waddanka Spain ayaa sheegtay in Roberto De Zerbi uu noqday dookha koowaad ee Real Madrid oo Perez uu la xidhiidhayo si uu ugu qanciyo inuu yimaaddo Santiago Bernabeu.

Los Blancos oo sidoo kale lala xidhiidhinayo tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso, ayaa waxa warkan cusub uu ka dhigan yahay in ay mudnaanta siinayaan Roberto De Zerbi oo ay ku qanceen shaqadiisa Brighton.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*