Sergio Ramos Iyo Carruurtiisa Oo Gurigiisa Lagu Weeraray Markii Uu Kusoo Laabtay Waddankiisa Spain


Halyeyga Spain ee Sergio Ramos ayaa gurigiisa loogu dhacay xaaskiisa iyo carruurtiisa intii ay socotay ciyaartii Champions League ee Sevilla iyo Lens ee Arbacadii, waxaanay budhcadda weerarka geysatay ay qaateen hantidii taallay gurigiisa, halka carruurtiisana ay argagax geliyeen.

Sergio Ramos oo 37 jir ah oo xagaagii dib ugu laabtay waddankiisa Spain oo uu dib ugu biiray Sevilla oo sannadkii 2005 uu uga wareegay Real Madrid, isla markaana kasoo laabtay PSG, ayaa waqtiga budhcaddu ay weerartay guriga waxa joogay afar carruur ah oo uu dhalay iyo xaaskiisa.

Budhcadda ayaa waxays oo jabiyeen albaabka guriga, iyaga oo meesha ka saaray nidaamka alaamka ee qayliya, waxaanay gudaha ugu soo galeen carruurta oo ay da’doodu u dhaxayso siddeed jir illaa sadex sannadood, waxaana sidoo kale guriga la joogay laba shaqaale ah oo dumar ah.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay, in budhcaddu ay guriga ka qaadatay saacado qaali ah, dahab, dhar si gaar ah loo naqshadeeyey iyo lacago kaash ah.

Xaaska Sergio Ramos oo ah jilaa filimada ah iyo wariye oo lagu magacaabo Pilas Rubio, ayaa la sheegay in ay shaqo ku maqnayd waqtiga uu falku dhacay.

Booliska waddanka Spain ayaa waxa uu sheegay in ay baadhitaano ku hayaan budhcadda, isla markaana uu falku ka dhacay guryaha xaafadda Balollullos de la Mitacion oo u dhow magaalada Seville.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*