Dawladda Faransiiska Oo Argagixiso Ku Sifaysay Karim Benzema Oo Ka Hadlay Xasuuqa Yuhuuddu Ka Geysatay Qasa


Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa lagu eedeeyey in uu xidhiidh la leeyahay kooxo argagixiso ah oo mar hore ay adduunyadu ku dartay liiska argagixisada, kuwaas oo la sheegay in uu u dhowaanayay sannadihii ugu dambeeyey, sida ay sheegtay dawladda waddanka Faransiiska.

Wasiirka arrimaha gudaha waddanka Faransiiska oo lagu magacaabo Gerald Drdanin ayaa waraysi uu siiyey telefishanka CNews, waxa uu ku sheegay in weeraryahankii hore ee Real Madrid ee haddana u ciyaara kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad, in uu xidhiidh la leeyahay kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee waddanka Masar ee la mamnuucay, isla markaana lagu daray liiska argagixisada.

Wasiirka ayaa waraysigiisa ku yidhi: “Mr. Karim Benzema waxa uu xidhiidh qoto dheer la leeyahay, sida aynu dhamaanteen ognahay kooxda Ikhwaanul Muslimiin.”

Karim Benzema wali kama aanu jawaabin eedaynta culus ee kasoo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, hase yeeshee waxa la filayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan uga hadlo arrintan, sababtoo ah waxa lagu yaqaannaa in aanu ka gabbanin waxyaabaha lidka ku ah.

Eedayntan ayaa la rumaysan yahay in ay salka ku hayso xasuuqa ay Yuhuuddu ku hayso Muslimiinta reer Falastiin oo uu Karim Benzema si cad uga soo horjeedsaday, isla markaana ku eedeeyey Yuhuudda naxariis-darro iyo axmaqnimo ay kula kacayso shacab maato ah oo aan waxba galabsan oo ay duqaynayso iyadoon u aabbo yeelaynin.

Waxa hore aflagaaddooyin ugu geystay Karim Benzema goolhayihii hore ee Real Madrid iyo xulka Yuhuudda ee Dudu Aouate oo caayay Benzema iyo hooyada dhashay intaba, isaga oo kaliya ka gubtay in uu xiddigan Muslimka ah uu la saftay shacabka maatada ah ee Falastiin ee la xasuuqayo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*