Xulka England Oo Usoo Baxay Tartanka Euro 2024, Talyaaniga Oo Jar Kasii Dhacaya Iyo Natiijooyinka Kulamadii Caawa


Xulka qaranka England ayaa usoo baxay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee sannadka dambe lagu qaban doono waddanka Germany, kaddib markii ay guul weyn oo 3-1 ah ka gaadheen Talyaaniga oo ay ku garaaceen garoonka Wembley Stadium.

England ayaa waxay ka aargoosatay Talyaaniga oo finalkii Euro 2020 kaga qaadday garoonka Wesmbley Stadium, waxaanay laba ka mid ah goolasha u dhaliyey Harry Kane oo noqday ciyaartoygii abid ugu gool-dhalinta badnaa xulka qaranka Ingiriiska.

Waxa uu Ingiriisku kula biiray liiska dalalka usoo gudbay Euro 2024 waddama Belgium, France, Spain, Portugal, Turkey, Scotland, Austria iyo dalka martigelinaya ee Germany oo isagu sii fadhiya hoygiisa isaga oo aan isreeb-reeb gelin.

Talyaaniga oo jar kasii laad-laada ayaa gool la hormaray daqiiqaddii 15aad ee bilowga ciyaarta, waxaana hoggaanka u dhiibay Scamacca oo dhamaystiray kubbad uu dhinaca midig ka keenay Di Lorenza, hase yeeshee goolkaasi ma noqonin mid sii waara.

Harry Kane ayaa rikoodhe uu taariikhda ku galay ku barbarreeyey ka hor hortii aan waqtiga nasashada loo bixin, isaga oo gool u beddelay rikoodhe lagu galay Jude Bellingham oo sii watasaamayntiisa cajiibka ah ee garoomada uu ka samaynayo xilli-ciyaareedkan.

Kubbad uu khadka dhexe kasoo jiiday Jude Bellingham oo soo farsameeyey dhawr difaac ayaa waxa uu u dhiibay Marcus Rashford oo isaguna kala soo galay dhinaca midig, waxaana uu ku hubsaday shabaqa, ka hor intii aanu Harry Kane keenin goolka saddexaad ee ciyaarta, waxaanay guushu 3-1 ku raacday England.

Ingiriiska ayaa hoggaaminaya hormada C, waxaanay haystaan 16 dhibcood iyo 16 gool oo nadiif ah, halka Ukraine oo labaad ku jirta ay haysato 13 dhibcood, waxaana labadan xulba u hadhsan min hal ciyaar oo kaliya, hase yeeshee Talyaaniga oo 10 dhibcood leh oo saddexaad ku jira ayaa waxa baaqi u ah laba ciyaarood oo midkood uu la dheeli doono Ukraine iyo Northern Macedonia, waxaanay u baahan yihiin in ay ka badiyaan inay ka badiyaan Ukraine, isla markaana guul ama barbarro midkood ka helaan Northern Macedonia, waana natiijada kaliya ee ay kusoo bixi karayaan.

Dhinaca kaole, Ukraine ayaa waxay 3-1 kaga soo adkaatay Malta oo ay marti u ahaayeen, waxaanay taasi keentay in ay saddex dhibcood ka horreeyaan Talyaaniga oo ah xulka difaacanaya koobkan.

GROUP H

  • Northern Ireland 0-1 Slovenia

GROUP C

  • Malta 1-3 Ukraine
    England 3-1 Italy

GROUP G

  • Lithuania 2-2 Hungary
  • Serbia 3-1 Montenegro

GROUP H

Finland 1-2 Kazakhstan
San Marino 1-2 Denmark

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*