Balde, Yamal, Kounde De Jong Illaa Pedri – TODDOBA Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Barcelona Ka Maqan Kulanka Xaasaasiga Ee Toddobaadkan


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa wadnaha farta ku haysa kulanka koowaad ee kaddib ciyaaraha caalamiga ah, sababtoo ah waxa ka dhaawacan toddoba ciyaartoy oo muhiim ah oo aanu midkoodna qayb ka noqon doonin ciyaartaas.

Ciyaarihii xulka qaranka Spain ee isreeb-reebka Euro 2024 ayaa waxa Barcelona kaga dhaawacmay difaaca bidix ee Alejandro Balde, halka da’yarka Lamine Yamal iyo Jules Kounde ay ku dhaawacmeen ciyaarihii ka horreeyey kulamada caalamiga ah.

Barcelona oo la ciyaaraysa Athletic Bilbao maalinta Sabtida, ayaa waxa ugu xigaya Shakhtar Donetsk oo Champions League ah iyo Real Madrid oo kulankoodu uu xaasaasi yahay, waxaanay natiijooyinka saddexdan ciyaarood muhiim u yihiin kalsoonida iyo loollanka ay kooxdu ugu jirto sidii ay ugu guuleysan lahayd koobab xilli-ciyaareedka.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay in Barcelona aanay heli doonin ciyaarta Athletico Madrid toddoba ciyaartoy oo muhiim ah oo rukunno adag ka ah kooxda, kuwaas oo ay ku jiraan Alejandro Balde iyo Lamine Yamal.

Shanta ciyaartoy ee kale ee ka maqan Barcelona ayaa ah Jules Kounde, Robert Lewandowski, Raphinha, Frenkie de Jong iyo Pedri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*