Liverpool Oo Ka Aargoosanaysa Real Madrid Iyo Xiddiga Yaraanta Isku-muujiyey Ee Ay Ka Hor Qaadayaan


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa hormood ka noqotay naadiyada waaweyn ee reer Yurub ee ku dagaallamaya saxeexa xiddiga da’da yar ee reer Germany ee Jamal Musiala oo la sheegay in uu ka tegayo kooxdiisa Baern Munich oo uu khilaaf soo kala dhax-galay.

Reds oo dibu-dhis ku wadda khadkeeda dhexe ee ay xagaagii tegay ka baxeen Jordan Henderson, Fabinho, Naby Keita, James Milner iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa waxa ay doonaysaa in Jamal Musiala uu noqdo laacibka cududda cusub kusoo kordhinaya saxeexyadii ay dhowaanta saxeemeeyeen ee Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Wataru Endo iyo Ryan Gravenberch.

Jurgen Klopp ayaa la sheegay in uu si shaqsi ah dhaxda ugu xidhan doono, sidii uu Jamal Musiala ku keeni lahaa Anfield ee uu ugu garaaci lahaa kooxaha waaweyn ee reer Yurub ee raadinaya, kuwaas oo ay hormood u tahay Real Madrid.

Wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Germany ayaa qoray, in Liverpool ay u aragto Jamal Musiala in uu yahay mustaqbal fiican oo 15 sannadood si joogto ah ugaga ciyaari karaya khadka dhexe, waxaana uu tartanka ugu adag dhax-marayaa Real Madrid oo hore ugu garaacday Aurélien Tchouaméni iyo Jude Bellingham.

Real Madrid ayaa dhinaceeda waxay doonaysaa in Jamal Musiala uu ka garab ciyaaro Jude Bellingham, Aurelien Thcouameni iyo Fede Valverde, si ay u noqoto naadi aan muddo dheer u baahanin inay ciyaartooyo cusub la saxeexato, iyadoo waliba ay joogaan Eduardo Camavinga iyo Arda Guler oo iyaguna da’yar ah, sidoo kalena weerarka ay ku midaysan yihiin Vinicius Jr, Rodrygo Goes, iyo laacibka ay rajaynayaan in ay xagaaga la saxeexdaan ee Kylian Mbappe.

20 jirkan oo qandaraaskiisa Bayern Munich uu soconayo illaa sannadak 2026, ayaa iska diiday inuu u saxeexo heshiis cusub, waxaana la sheegay in uu khilaaf soo kala-dhaxgalay kaddib markii ay kooxdaasi u fulin weyday ballan-qaad ahaa in uu u noqonayo wajiga kooxda, balse ay ka doorteen Thomas Muller oo wali waji u ah kooxda, xayaysiisyada iyo arrimaha muhiimka u ah naadiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*