DAAWO: Neymar Oo Xalay Dhaawac Culus Soo Gaadhay Iyo Brazil Oo La Garaacay


Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr. ayaa xalay uu dhaawac culus kasoo gaadhay jilibka, waxaana garoonka lagaga dhax-qaaday naxash iyo baabuurta lagu qaado dadka dhaawacyadoodu halista yihiin.

Neymar ayaa uu dhaawacu kasoo gaadhay ciyaartii Uruguay ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 oo dalkiisa lagaga badiyey 2-0, taas oo laga dhax-qaaday waxyar ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Xiddiga Brazil ayaa jilibka lugta bidix uu dhaawacu kasoo gaadhay markii uu cidhiidhiyey ciyaartoy kale, waxaana markiiba la arkay isaga oo ooyaya oo dhulka garaacaya si loo caawiyo, waxaana xataa markii laga dejiyey baabuurka yar ee lagaga qaaday gudaha garoonka uu awoodi waayey in uu dhulka dhigo lugta uu ka dhaawacmay.

Neymar ayaa dhowaan kasoo laabtay dhaawac cuslaa oo uu u jiifay tan iyo bishii March ee horraantii sanadkan, kaas oo keenay in muddo shan bilood ah aanu wax kubbad ah ciyaarin, iyadoo qalliin lagaga sameeyey kuraanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*