Thiago Silva Oo Shaaciyey Qorshaha Mustaqbalkiisa Iyo Waqtiga Uu Ka Tegayo Chelsea


Difaaca Chelsea ee Thiago Silva ayaa shaaciyey qorshihiisa mustaqbalka ee kaddib kooxdiisa Chesea, waxaana uu albaabada u furay in uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Fluminense marka uu dhamaado qandaraaskiisa Chelsea oo ku eg dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Silva oo ay da’diisu tahay 39 jir ayaa wali dareemaya in uu xooggan yahay jidh ahaan, isla markaana uu taam u yahay inuu heerka ugu sarreeya ku xafiiltamo, waxaana uu kusoo bilowday dhamaan siddeeddii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee ay kooxdiisa Blues dheeshay.

Bishii February ayaa uu saxeexay heshiis cusub oo sannad ahaa oo uu ku kordhiyey qandaraaskiisa, taas oo ka dhigan in uu Stamford Bridge sii joogayo illaa bisha June ee sannadka dambe.

113 ciyaarood oo uu u saftay xulka qarankiisa Brazil oo uu wali kasii mid yahay, ayaa waxa Thiago Silva uu doonayaa in uu kusii jiro garoomada, balse meesha kama aanu saarin kooxdiisii Fluminense ee uu kasoo baxay ee sannadkii 2007 ay kasoo iibsatay AC Milan.

39 jirkan oo waraysi siiyey wawrgeyska kasoo baxa dalkiisa brazil ee Globo Esport ayaa yidhi: “Xidhiidhka naga dhexeeya Fluminense waqti dheer ayaa hadda uu xidhiidhkayagu jiray, waananu wada-hadalnay, laakiin hadda waxa aan doorbidayaa in aan ka aamuso sababtoo ah waxa aan leeyahay qoys iyo carruur, Waxa aanu tegaynaa halka aanu ka helayno farxad, halka aan si qurux badan ugu dhamaysanayo xirfaddayda.”

Mar la weydiiyey in uu ka tegi doono Chelsea xagaaga iyo in uu ka fadhiisan doono ku badda cagta amaba uu aadi doono dalkiisa oo uu kasii ciyaari doono, ayaa uu ku gaabsaday in uu waqtigan ka aamusayo arrimahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*