Liverpool Oo Lagu Qabsaday Xiddigii Ay U Dooratay Beddelka Mohamed Salah


Kooxda kubadda cagta Liverpool aaa lagu soo warramayaa in lagu qabsaday xiddigii uu doonayay tababare Jurgen Klopp in uu ku beddelo Mohamed Salah oo la filayo in xagaaga soo socda uu u wareego horyaalka waddanka Sucuudiga.

Laacibka reer Masar oo ay Al-Ittihad kusoo dalbatay £150 milyan oo Gini, ayaa la seegay in Reds aanay ka hor joogsan doonin in uu tago xagaaga, maadaama qandaraaskiisa ay ka hadhsanaanayaan 12 bilood oo kaliya, isla markaana aanay khatar ku geli doonin inay bilaash ku lumiyaan sannad kaddib.

31 jirkan ayaa la hubaa in uu ka tegi doono Liverpool, sida uu qoray wargeyska Mirror, waxaana lacagta ay ka heshao Mohamed Salah ay isku dayi doontaa inay u isticmaasho inay iskaga xoojiso garabka midig ee weerarka oo ay u calaamadsadeen xiddiga reer Germany ee Leroy Sane.

Laakiin Reds ayaa waxay la kulmi doontaa tartan adag oo ku aaddan saxeexa Sane oo qiimihiisa lagu sheegay £80 milyan oo Gini oo noqonaysa ku-dhowaad kala-badh lacagta ay Reds ku iibinayso Mohamed Salah.

Wargeyska BILD ee kasoo baxa waddanka Gerany ayaa sheegay, in Sane oo qandaraaskiisa Bayer Munich uu soconayo illaa June 2025, in tartankiisa ay kusoo biireen kooxaha reer Spain ee Real adrid iyo Barcelona oo xiise dhab ah u muujinaya.

Sane oo ay Bayern Munich £55 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Manchester City sannadkii 2020, ayaa 144 ciyaarood oo uu u saftay waxa uu u dhaliyey 45 ool iyo 37 kale oo uu caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*