Harry Maguire Oo Ka Degaya Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah


Difaaca reer England ee Harry Magurie ayaa ka tegaya kooxdiisa Manchester United iyo guud ahaan horyaalka Premier League, waxaana uu helay marin uu ku baxsado oo uu dibedda ugaga baxo dalkiisa oo uu ku dhibaataysan yahay, kaddib markii la geliyey kaydka Manchester United.

30 jirkan ayaa helay koox weyn oo reer Yurub ah oo u noqon doonta mid uu kaga raysto horyaalka Premier League, isla markaana uu dib ugu helo boos joogto ah iyo qaab-ciyaareedkii lagu bartay waqtigii uu joogay Leicester City.

Maguire oo xagaagii ay West Ham kasoo gudbisay dalab £30 milyan oo Gini ahaa ayaa usii negaaday Old Trafford, kaddib markii uu waqti dambe burburay heshiiska labada kooxood oo bilowgii u muuqanayay mid dhaqan-gelaya.

Kooxda horyaalka waddanka Talyaaniga ee AC Milan ayaa la sheegay in ay soo gashay tartanka Harry Maguire oo ay doonayso in ay la wareegto, waxaana la rumaysan yahay in difaaca reer England uu si fudud ku aqbali doono inuu tago San Siro Stadium.

Horyaalka Talyaaniga ayaa la sheegay in Maguire uu u arko mid ka caawin doona inuu dib u helo qaab-ciyaareedkiisii hore, isaga oo raaci doona dariiqii Fikayo Tomori oo hadda u dheela Milan iyo Ruben Loftus-Cheek oo ay ku midoobi doonaan Rossoneri, halkaas oo sidoo kale ay joogaan Christian Pulisic iyo Olivier Giroud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*