DEG-DEG: Argagixisadii Xalay Toogashada Ku Dishay Taageereyaasha Xulka Denmark Oo War Cusub Kasoo Kordhay


Booliska waddanak Belgium ayaa shaaciyey, in ay ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in uu yahay argagixiso oo xalay magaalada Brussels ku dilay laba ka mid ah taageereyaasha xulka qaranka Sweden, taas oo keentay in la joojiyo ciyaartii xulalka Belgium iyo Sweden oo waqtigii nasashada kaddib aan lagus oo noqonin.

Taageereyaasha ayaa illaa xalay saqdii dhexe ku jiray garoonka gudihiisa oo aan loo ogolaanin in ay dibedda usoo baxaan, kaddib markii ay ciidamadu waayeen ninka lagu eedeeyey in uu sameeyey falkan oo la tuhunsan yahay in uu yahay argagixiso aan la sheegin halka uu asal ahaan kasoo jeedo.

Ciyaartoyda xulka Sweden ayaa iyagana si toos ah loogu daad-gureeyey garoonka diyaradaha iyadoo ay ilaalinayaan kolonyo ciidamo ah, waxaana loo dhoofiyey waddankooda.

Goordhoweyd ayaa booliska waddanka Belgium ay sheegeen in saaka ay gacanta ku dhigeen ninka ay tuhunsan yihiin in uu toogashada geystay, waxaanay xaqiijiyeen in aanay dilin balse ay isaga oo nool gacanta kusoo dhigeen oo ay xidheen.

Waddanka Belgium ayaa la geliyey xaalad heegan ah, gaar ahaan caasimadda iyadoo uu Ra’iisal wasaare Alexander De Croo shaaciyey in xaalad argagixiso oo sare ay jirto, waxaana dadka loo sheegay in ay taxadar laaadaan oo ay feejignaadaan.

Toogashada ayaa ka dhacday meel saddex mayl oo kaliya u jirtay garoonka ay ka dhacaysay ciyaartu oo ay ku sugnaayeen in ka badan 35,000 qof oo illaa xalay saqdii dhexe lagu hayay gudaha garoonka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*