Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa doonaysa in ay la saxeexato xiddig hore ugu soo ciyaaray Manchester City oo uu Mikel Arteta kusoo layliyey Etihad Stadium, waqtigii uu ku-xigeenka u ahaa Pep Guardiola.
Arsenal ayaa iska xoojin doonta khadka dhexe marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, si ay usii wadan garto in ay Man City kula tartanto horyaalka Premier League.
Gunners oo xagaagii isku xoojisay Declan Rice oo dhalan-rogay naadiga, kana dhigay khadkeeda dhexe mid aan la loodin karayn, ayaa waxa kale oo ay Chelsea kasoo qaadatay Kai Havertz, halka difaacii midig ee ay lasoo wareegeen uu dhaawac muddo dheer ku maqnaanayo.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano, Arsenal ayaa waxay doonaysaa in ay wali iska dhisto khadka dhexe oo uu Mikel Arteta rumaysan yahay in ay tahay halka ay kooxuhu ka dhismaan ama ka dumaan, waxaana uu indhaha ku hayaa laba ciyaartoy oo kale oo uu doonayo inuu kusoo kordhiyo safkiisa.
Ciyaartoyda koowaad ee uu doonayo in Arteta uu keeno Emirates Sadium, waa laacibka khadka dhexe ee reer Brazil ee Douglas Luiz oo hore ugu soo ciyaaray Manchester City oo ay mar kale ku midoobi karayaan garoomada.
Luiz oo u ciyaara Aston Villa ayaa waxa la sheegay in uu doonayo inuu iskaga tago kooxdaas oo uu u arko in tababare Unai Emery aanu siinin boos aan gorgortan lahayn, kaas oo Man City ka tirsanaa intii u dhaxaysay 2017 illaa 2019, balse waligii uma aanu ciyaarin iyadoo amaah lagu diray labadii xilli-ciyaareedba oo uu ku sugnaa Girona.
Waxa kale oo ay Arsenal doonaysaa xiddiga reer Portugal ee Pedro Neto oo ay kula tartamayaan kooxo badan oo reer Yurub ah oo la dhacsan qaab-ciyaareedka uu ka samaynayo Wolves.
Be the first to comment