Waa Kuma Xiddiga Sababta U Ah In Ilkay Gundogan Laga Caydhiyo Barcelona?


Xiddiga reer Germany ee Ilkay Gundogan ayaa laga saaray qolka labbiska kooxdiisa Barcelona, kaddib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdaas oo uu canaantay, waxaana lagu wargeliyey inay uga dhamaatay Barcelona oo ay tahay inuu raadsado koox kale.

33 jirkan oo xagaagii hore si xor ah ugu soo biiray Barcelona isaga oo ka tegay Manchester City, ayaa ahaa xiddigaha laf-dhabarta u ahaa naadiga ee tababare Xavi Hernandez ka caawiyey inay kooxdiisu kaalinta labaad ku dhamaysato, isaga oo u saftay 51 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah.

Sida ay ku warrantay Idaacadda Cadena SER, tababare Hansi Flick ayaa u sheegay Gundogan in aanu iman karin qolka labbiska kooxdiisa, sidaas daraadeedna uu kaga maqnaaday ciyaartii Valencia, waxaana lala xidhiidhinayaa inuu dib ugu laaban doono kooxdiisii hore ee Manchester City.

Wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa magaalada Barcelona ayaa soo bandhigay xog kale oo qarsoon oo ahayd in sababta Ilkay Gundogan kooxda looga dirayo ay tahay markii uu canaan u jeediyey Ronald Araujo xilli-ciyaareedkii hore, kaddib markii uu difaaca reer Uruguay rikoodhe ku galay weeraryahanka PSG ee Bradley Barcola oo tartanka Champions League ay wada-dheeleen, isla markaana ay kooxda Faransiisku guuleysatay.

Ciyaartoyda kooxda ee uu ugu horreeyo Araujo ayaan illoobin hadalkaas, waxaana mar kaliya ay dhowaan bilaabeen in Ilkay Gundogan laga diro naadiga, waxaanay taasi keentay in kooxdu ay ku wargeliso kubbad-sameeyaha reer Germany in aanu ku jirin qorshahooda xilli-ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*