SIDDEED Ciyaartoy Oo Iskaga Tegaya Liverpool Tobanka Maalmood Ee Ka Hadhsan Suuqa Xagaagan


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la sheegay inay ka tegayaan toban ciyaartoy tobanka maalmood ee ka hadhsan waqtiga uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, iyadoo waliba xagaagan aanay kooxdu iibsanin wax ciyaartooyo cusub ah.

Liverpool ayaa u muuqata in aanay ciyaartooyo cusub la saxeexanayn marka la eego sida ay wax ugu socdaan, waxaase ay u dhow yihiin goolhayaha Valencia ee Giori Mamardashvili oo ay €30 milyan oo Gini ka bixinayaan, iyadoo goolhayaha reer Giorgia uu sannadka dambe iman doono Anfield si uu u beddelo Alisson Becker.

Reds oo ay hore uga tageen Joel Matip, Thiago Alcantara iyo Adrian, ayaa waxa sidoo kale la sheegay inuu ka tegayo difaaca dhexe ee reer Netherlands ee Sepp van den Berg oo ay xiisaynayso Brentford.

Lix ciyaartoy oo kale ayaa iyagana la sheegay inay ka tegi doonaan Liverpool, waxaana ka mid ah dheemanka da’da yar ee Bobby Clark oo kooxda reer Germany ee RB Leipzig ay dul-dhigtay £10.5  milyan oo Gini.

Wargeyska The Athletic oo warbixintan qoray ayaa sidoo kale sheegay in difaaca dhexe ee Nat Phillips ay £4 milyan oo Gini ku iibsanayso kooxda reer Turkey ee Trabzonspor, halka amaah lagu dirayo garabka weerarka ee Ben Doak, khadka dhexe ee Tyler Morton, iyo waliba weeraryahannada Kaide Gordon, Owen Beck iyo da’yarka khadka dhexe ee Stefan Bajcetic.

Tababare Slot ayaa illaa hadda aan kooxda kusoo kordhinin wax ciyaartooyo cusub ah, waxaana iska diiday kubbad-burburiyaha reer Spain ee Martin Zubamendi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*