PSG Oo Laga Ganaaxayo Tartanka Champions League & Kylian Mbappe Oo Sabab U Ah


Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain (PSG) ayaa halis ugu jirta in laga ganaaxo tartanka Champions League oo gebi ahaanba loo diido inay ka qayb-gasho xilli-ciyaareedkan socda, kaddib markii uu Kylian Mbappe oo ah kabtankii hore ee kooxdan uu ka gudbiyey dacwad.

Sida uu qoray wargeyska Le Monde ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, UEFA ayaa gacanta ku haysa dacwad uu soo gudbiyey Kylian Mbappe oo ku saabsan in kooxda reer France aanay siinin lacag dhan €55  milyan oo Euro oo ah mushaharkiisii sannadkii tegay.

Mbappe oo si xor ah ugu wareegay Real Madrid xagaagii tegay, ayaa qareenkiisu uu ka shaqaynayaa dacwadda ka dhanka ah PSG, waxaana hadda kiisaska loo gudbiyey xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA, Ururka ciyaartoyda Faransiiska ee LFP iyo xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ee FFF.

Lacagta uu Mbappe ku leeyahay PSG ayaa iskugu jirta €36 milyan oo Euro oo ah gunnooyin ay ahayd in kooxdu ay bixiso ka hor intii aanu dhamaanin xilli-ciyaareedkii hore iyo €19 milyan oo Euro oo kale oo mushahar ahaa.

UEFA ayaa la sheegay in ay hadda ka fiirsanayso inay PSG kala noqoto liisanka oo ay ka saarto liiska kooxaha u diiwaan-gashan, waxaana go’aankeeda la gaadhi doonaa usbuuca soo socda ka hor inta aan la samaynin isku-aadka tartanka Champions League oo ku muddaysan 29 August, 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*