DEG-DEG: Manchester City Oo Heshay War Farxadleh Saacado Ka Hor Ciyaarta Manchester United


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa heshay war farxad leh saacado ka hor ciyaarta koobka ah ee Manchester United ee garoonka Wembley Stadium ay ku kala calaf-qaadi doonaan Community Shield, waxaana damaanad-siiyey xiddig uu mustaqbalkiisa shaki ku jiray.

Manchester City oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey ku guuleysatay horyaalka Premier League ayaa doonaysa inay markii shanaad ku guuleysato.

Xilli-ciyaareedka Man City ayaa ku bilaabmaya ciyaarta maanta ee Community Shield ee Manchester United oo haddii ay guuleystaan u noqon doonta aftax wanaagsan, iyadoo sidoo kalena saacado ka hor uu ka farxiyey goolhaye Ederson.

Goolhayaha reer Brazil ayaa shaaciyey in aanu ka tegi doonin Manchester City oo uu sii joogi doono xilli-ciyaareedkan, inkasta oo uu dalab lacag badan ah ka haysto kooxaha Sucuudiga ee Al-Nassr iyo Al-Ittihad.

Tababare Pep Guardiola ayaa shaaciyey go’aanka uu gaadhay goolhaye Ederson, waxaanu yidhi: “Waa war wanaagsan in Ederson iyo Stefan Ortega ay joogayaan. Ederson wuxuu go’aansaday inuu joogo, waxa uu ahaa goolhaye wanaagsan oo si joogto ah u ciyaarayay, mana aanaan garanayn waxa dhici lahaa haddii aanu isagu nala joogi lahayn.

“Waan ku farxay inuu joogayo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*