Iska Illow Chelsea, Porto, Inter & Roma: Jose Mourinho Oo Ugu Dambayn Magacaabay Kooxda Uu Taageero Ee Mar Walba Qalbigiisa Ku Jirta


Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa magacaabay koox aan qalbigiisa ka bixin oo uu waligiiba taageere u ahaa, waana naadi weyn oo aanu hore u qiranin inuu taageero, taas oo waqtiyo kala duwan ay garoomada iskaga hor yimaaddeen isaga oo naadi kale tababare u ah.

Jose Mourinho oo ka mid ah tababareyaasha ugu fiicnaa kubadda cagta ee soo maray Yurub 20kii sannadood ee ugu dambeeyey, kuna guuleystay koobab badan ayaa ka jawaabay su’aal laga yaabo inay ka cadhaysiiso taageereyaal hore u jeclaa oo ah naadiyadii uu hore usoo layliyey.

Intii uu ku jiray shaqada tababarenimada, waxa uu Champions League kula guuleystay kooxaha FC Porto sannadkii 2004 iyo Inter Milan sannadkii 2010. Sidoo kale, Chelsea ayuu la qaaday laba horyaal oo Premier League ah oo isku xigay, halka sannadkii 2012 uu soo afjaray guulihii xidhiidhka ahaa ee Barcelona ee horyaalka LaLiga oo uu Real Madrid dib ugu soo celiyey horyaalka Spain.

Waxa kale oo uu mar kale ku laabtay Chelsea oo uu haddana u qaaday horyaalka Premier League, sidoo kalena Manchester United, Tottenham iyo AS Roma ayaa uu iyaguna layliyey, iyadoo xagaagiina loo magacaabay kooxda reer Turkey ee Fenerbahce.

60 jirkan oo waraysi siiyey wargeyska Corriere dello Sport ayaa waxa uu sheegay, in Tottenham uu ka saaray liiska naadiyada uu soo tababaray oo xataa aanay niyaddiisa kusoo dhicin, laakiin ay jirto hal koox oo uu la leeyahay xidhiidh fiican, isla markaana qalbigiisa ku jirta mar walba.

Jose Mourinho oo la weydiiyey kooxda uu taageero ayaa yidhi: “Waxa jirta koox dadkeedu ay ka duwan yihiin kuwa kale oo aan la leeyahay xidhiidh saaxiibtinimo oo cajiib ah. Inta badan xidhiidh fiican ayaan la leeyahay kooxihii aan kasoo shaqeeyey.

“Waddanka Portugal ayaan kula kulmay taageere Real Madrid ah oo reer Mexico ah oo igu salaamay farxad heer sare ah. Anigu, mar walba waxa aan ahaa Madridista (taageere Real Madrid ah), mar walbana waan ahaan doonaa.”

Mar wax laga weydiiyey Carlo Ancelotti, waxa uu ku jawaabay: “Tababareyaasha guulaha waaweyn gaadhay inta badan ka tagaan kooxaha yaryar, marka laga reebo Carlo Ancelotti oo tababare u noqday Everton. Dadku waxay u maleeyaan in ay noo dhamaatay marka aanu tagno koox yar, laakiin isagu wuxuu kusoo noqday Real Madrid oo uu wax walba u qaaday.

“Marka jiilasha Carlo iyo anigu ay ka baxaan saaxadda, waxa uu shaki igaga jiraa in la heli doono tababareyaal waqti dheer shaqayn doona oo guulo u gaadhi doona sidayada, sababtoo ah, maanta tababareyaal ayaa xawaare kusoo baxa, haddana isla markaaba waa la waayaa.

“Carlo Ancelotti wuxuu koobkiisii ugu horreeyey oo ahaa ku guuleystay sannadkii 2003, kiisii ugu dambeeyeyna 2023. Aniguna waxa aan koobkaygii ugu horreeyey ku guuleystay 2004, kii iigu dambeeyeyna wuxuu ahaa 2022. Markaa, Carlo waa tababare wanaagsan, waxaanan rajaynayaa in uu waqti dheer sii joogi doono Real Madrid maadaama aan ahay taageere Real Madrid ah.”

Si kastaba ha ahaatee, Jose Mourinho ayaa Real Madrid tababare u ahaa intii u dhaxaysay 2010 illaa 2013, waxaana uu u qaaday saddex koob oo kala ahaa LaLiga, Copa del Rey iyo Spanish Supercup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*