RASMI: Xiddigaha Manchester United Ee Kulanka Man City Ee Maanta Oo La Shaaciyey


Harry Maguire ayaa lagu soo daray 21ka ciyaartoy ee Manchester United ay usoo xulatay kulanka Community Shield ee maanta ay koobka ku kala calaf-qaadi doonaan Manchester City, inkasta oo xaaladdiisa taam ahaanshaha uu shaki ku jiro oo uu waqti dambe tababarka bilaabay.

Difaacan dhexe oo la daalaa-dhacaya dhaawacyo sabab u noqday inuu ka maqnaado tartankii qaramada Yurub ee Euro 2024, ayaa waxa uu usbuucii u dambeeyey aan tababarka joogin, waxaana sidaas oo kale ahaa Victor Lindelof.

Lisandro Martinez iyo Jonny Evans ayaa ah labada difaac dhexe ee kaliya ee uu haysto Ten Hag, maadaama Harry Maguire uu kaliya la safray kooxda oo aan la hubin inuu soo geli doono garoonka Wembley.

21 ciyaartoy ayuu tababare Erik ten Hag usoo xushay kulanka Community Shield oo Manchester United ay ugu dambaysay inay ku guuleysato sannadkii 2016, waxaana sidoo kale ka maqan Rasmus Hojlund oo booskiisa uu buuxin doono Joshua Zirkzee.

Marcus Rashford iyo Jadon Sancho ayaa iyaguna taam ah oo doonaya inay kusoo bilowdaan, halka da’yarka reer Argentina ee Alejandro Garnacho uu u dagaallami doono sidii uu u heli lahaa booskiisa.

Liiska xiddigaha Manchester United ee kulanka Community Shield ee maanta

Onana, Bayindir, Heaton, Dalot, Maguire, Evans, Martinez, Amass, Casemiro, Mount, Collyer, Eriksen, McTominay, Mainoo, Fernandes, Rashford, Amad, Antony, Garnacho, Sancho, Pellistri, Zirkzee

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*