Manchester United Oo Labbis Aan Hore Usoo Marin Taariikhda Xidhan Doonta Ciyaarta Berri ee Community Shield


Manchester United ayaa xidhan doonta garamo aan hore usoo marin taariikhda naadigaas, marka ay berri garoonka Wembley Stadium albaabada iskugu soo xidhaan Manchester City oo ay ku kala calaf-qaadi doonaan koobka.

Labada kooxood ee isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City ayaa wada dheeli doona ciyaarta furitaanka u noqonaysa xilli-ciyaareedka 2024/25 oo sannad walba la dheelo usbuuc ka hor waqtiga uu bilaabmayo xilli-ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League.

Manchester United ayay ka maqnaan doonaan dersin ciyaartooyo ah oo ay hormood u yihiin Rasmus Hojlund iyo Leny Yoro oo maqnaanshahooda la xaqiijiyey, halka Man City ay ka maqan yihiin afarta ciyaartoy ee Kyle Walker, John Stones, Phil Foden iyo Rodri.

Tababare Erik ten Hag ayaa xaqiijiyey, in uu hubin doono dhawr ciyaartoy oo ay ku jiraan Harry Maguire, Aaron Wan-Bissaka iyo Victor Lindelof ka hor ciyaarta, maadaama aanay taam buuxa ahayn.

Wargeyska The Athletic ayaa soo bandhigay dharka cusub ee ciyaartoyda Manchester United ay xidhan doonaan, waxaana ku xardhanaan doona shirkadda Microsoft oo markii ugu horreysay ay Manchester United xayaysiin doonto.

Manchester United ayaa heshiis saddex sannadood ah la gashay Microsoft, waxaana sannadkii ay shirkaddani bixin doontaa $75  milyan oo Euro oo ay u shubi doonto Man United.

Manchester United ayaa sidoo kale la filayaa inay laba sannadood ku kordhin doonto heshiiskii ay kula jirtay shirkadda maalgelinta ee Snapdragon oo shan sannadood ay kaga helaysay $375 milyan oo Euro.

Ciyaarta Community Shield ee berri, waxa garamada ciyaartoyda Manchester United ku xardhanaan doona Microsoft CoPilot+ PCs oo ah qalabka ay shirkaddu soo saarto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*